Wararka ka imanaya Turkiga ayaa sheegaya in kooxda Galatasaray ay diyaar u tahay inay buuxiso mushaharka uu dalbanayo kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes.
Sida ay qoreen HT Spor iyo Fanatik, Bruno Fernandes ayaa horey loogu wargeliyay xiisaha ay Galatasaray u qabto, waxaana la qorsheynayaa in maalmaha soo socda ay kooxda Turkiga wada-hadallo la yeelato labada dhinac ee kala ah Manchester United iyo Bruno Fernandes.
Bruno Fernandes oo 31 jir ah ayaa qandaraaskiisa hadda uga harsan hal sano, inkastoo Manchester United ay haysato ikhtiyaar ay ku kordhin karto heshiiska 12 bilood oo dheeraad ah.
Si kastaba ha ahaatee, qandaraaskiisa waxaa ku jira qodob fasaxaya bixitaan (release clause) oo dhan £56 milyan, kaas oo ay dhaqan gelin karto koox kasta oo ka baxsan England haddii ay bixiso lacagtaas.
Hadda lama oga in Bruno Fernandes uu diyaar u yahay inuu ka tago Manchester United, balse Galatasaray ayaa la sheegay inay si dhab ah u doonayso inay soo xerogeliso kabtanka kooxda Red Devils.
Be the first to comment