Barcelona oo caawa la ciyaaraysa Athletic Bilbao & Ogow kulanka faah faahinta & wax walba oo aad uga baahantahay

Kooxda Barcelona ayaa caawa oo Khamiis ah, 27 Agoosto 2026, garoonkeeda Spotify Camp Nou ku qaabilaysa kooxda Athletic Bilbao, kulan ka tirsan horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedka 2026/2027.

Kulankan ayaa ah ciyaartii dib loo dhigay ee wareegga koowaad, iyadoo Barcelona ay kulankeedii ugu horreeyay ee horyaalka si weyn u bilowday, kaddib markii ay 5–0 ku garaacday Elche.

Tababare Hans Flick ayaa doonaya in kooxdiisu sii waddo bilowga wanaagsan, isla markaana ay hesho saddex dhibcood oo kale si ay cadaadis ugu saarto Real Madrid, hanka kale, Real Madrid ayaa hadda hoggaanka horyaalka ku jirta iyadoo leh 6 dhibcood, kaddib guushii 4–1 ahayd ee ay ka gaartay Real Sociedad.

Waqtiga ciyaarta

Barcelona iyo Athletic Bilbao waxay garoonka ku kulmayaan 10:00 habeenimo, waqtiga Masar iyo Sacuudiga. Taasi waxay sidoo kale ku beegan tahay 10:00 habeenimo waqtiga Soomaaliya iyo Kenya.

Kanaalka laga daawanayo

Ciyaarta waxaa si toos ah looga baahinayaa Somalifantasy.com & beIN Sports 1.

Faalliyaha ciyaarta

Tabiyaha kulanka waxaa qabanaya Khalil Al-Balushi.

Barcelona ayaa sidaas darteed caawa raadineysa guul kale oo ay ku sii xoojinayso bilowgeeda La Liga, halka Athletic Bilbao ay isku dayi doonto inay Camp Nou kala soo baxdo natiijo wanaagsan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga