Xilli ciyaareedka Champions League 2026/27 ayaa si rasmi ah u galay marxalad xiiso badan, iyadoo isku aadka heerka horyaalka lagu qabanayo Khamiista Monaco, Tartanka sanadkan waxaa ka qeyb galaya 36 kooxood, iyadoo 29 kooxood ay si toos ah u xaqiijiyeen boosaskooda, halka toddobo boos lagu go’aaminayo isreeb-reebka.
England ayaa sanadkan yeelanaysa shan kooxood oo Champions League ka qeyb galaya: Arsenal, Manchester City, Liverpool, Manchester United iyo Aston Villa. Arsenal, Man City iyo Liverpool waxay ku jiraan Pot 1, halka Manchester United iyo Aston Villa lagu daray Pot 2.
Qaabka cusub ee tartanka ayaa sii soconaya, waxaana koox kasta ay heerka horyaalka ciyaari doontaa 8 kulan oo ay la ciyaarayso 8 kooxood oo kala duwan. Koox walba waxay heli doontaa afar kulan oo gurigeeda ah iyo afar kulan oo ay marti tahay. Laba kooxood ayaa laga soo dooran doonaa mid kasta oo ka mid ah afarta Pot.
🏆 Pot 1
- PSG
- Bayern Munich
- Real Madrid
- Liverpool
- Inter Milan
- Manchester City
- Arsenal
- Barcelona
- Atlético Madrid
⚽ Pot 2
- Aston Villa
- Manchester United
- Borussia Dortmund
- Roma
- Sporting
- Porto
- Club Brugge
- PSV Eindhoven
- Real Betis
Pot 3
Pot 3 waxaa ku jira kooxo ay ka mid yihiin Feyenoord, Lille, Napoli, RB Leipzig, Villarreal, Shakhtar Donetsk iyo Galatasaray, halka kooxaha kale ee isreeb-reebka ku jira lagu kala saari doono Pot 3 ama Pot 4.
Liverpool ayaa isku aadka la xiriira xeer gaar ah. Reds-ka lama kulmi karaan Real Madrid oo gurigooda ku ciyaaraya, sababtoo ah labada xilli ciyaareed ee hore ayay Real Madrid ku qaabileen Anfield. Si kastaba, Liverpool waxay Real Madrid ku wajihi kartaa Bernabéu.
Sidoo kale Arsenal ayaa leh xaalad la mid ah. Gunners-ku waxay Inter Milan kula ciyaareen San Siro labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, sidaas darteed Arsenal waxay Inter ku qaabili kartaa Emirates, balse kooxdu waxay qasab ku tahay inay mid ka mid ah PSG, Bayern Munich, Real Madrid, Barcelona ama Atlético Madrid kula ciyaarto meel ka baxsan gurigeeda.
Dhanka u soo bixitaanka wareegyada bug-baxa, 8-da kooxood ee ugu sarreeya heerka horyaalka waxay si toos ah ugu gudbayaan wareegga 16-ka, Kooxaha kaalmaha 9-aad ilaa 24-aad waxay ciyaarayaan play-off laba lugood ah, halka kooxaha kaalmaha 25-aad iyo wixii ka hooseeya ay si toos ah tartanka uga harayaan.
Kulamada heerka horyaalka waxay bilaabanayaan 8–10 Sebtembar 2026, waxaana la ciyaari doonaa siddeed maalmood oo kulan ah ilaa 27 Janaayo 2027. Kadib waxaa bilaabanaya play-off-yada, wareegga 16-ka, siddeedda ugu dambeysa iyo semi-finalka.
- maanta oo khamiis ah, 27-ka agoosto 2026, ayaa la qabanayaa isku aadka heerka horyaalka ee UEFA Champions League 2026/27.
- isku aadka waxaa ka qeyb galaya 36 kooxood, kuwaas oo loo kala qaybiyay 4 dambiilood (pots).
- koox kasta waxay ciyaari doontaa 8 kulan: 4 kulan oo garoonkeeda ah iyo 4 kulan oo ay marti tahay.
- kooxaha kama hor imaan karaan koox kale oo ka tirsan isla dalka, balse waxay la ciyaari karaan laba kooxood oo isku dal ah AAN HEYN
- 8-da kooxood ee ugu sarreeya kala sarreynta ayaa si toos ah ugu gudbaya wareegga 16-ka.
- kooxaha ku dhammeysta boosaska 9-aad ilaa 24-aad waxay ciyaari doonaan play-off labo lugood ah si ay ugu dagaallamaan boosaska wareegga 16-ka.
kooxaha waaweyn ee dambiilaha 1-aad:
- Real Madrid
- Barcelona
- Manchester City
- Arsenal
- Liverpool
- Bayern Munich
- PSG
- Inter Milan
- Atlético Madrid
kooxaha ingiriiska:
- Arsenal
- Manchester City
- Manchester United
- Aston Villa
- Liverpool
kooxaha spain:
- Barcelona
- Real Madrid
- Villarreal
- Atlético Madrid
- Real Betis
waqtiga isku aadka:
- Isku aadka waxaa la qabanayaa 7:00 fiidnimo waqtiga Qaahira iyo Sacuudiga.
- Waxaa si toos ah looga daawan doonaa beIN Sports Open.
Ugu dambeyn, final-ka Champions League 2026/27 waxaa lagu ciyaari doonaa Estadio Metropolitano ee Madrid, Spain, 5-ta Juun 2027. Waxaa la filayaa in isku aadka Monaco uu soo saaro kulamo waaweyn oo ay ku lug leeyihiin kooxaha waaweyn ee Yurub, gaar ahaan shanta kooxood ee Premier League.
Be the first to comment