Goolhayaha reer Argentina ee Emiliano “Dibu” Martínez ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu ogolaado u dhaqaaqista Chelsea FC, haddii kooxda London ay go’aansato inay heshiiska sii waddo, wararku waxay sheegayaan in Martínez uu aad u danaynayo fursadda uu ugu biiri karo Chelsea, xitaa haddii kooxda aysan xilli ciyaareedkan ka qaybgelin tartamada Yurub.
Chelsea ayaa haatan wada wadahadallo ay la leedahay kooxda wakiillada ah Martínez, iyadoo laga fiirsanayo suurtagalnimada in heshiis degdeg ah laga gaaro dhammaadka suuqa kala iibsiga.
Martínez ayaa Chelsea loo soo bandhigay, iyadoo xaaladda Aston Villa FC ay tahay in Seki Suzuki loo qorsheynayo inuu noqdo goolhayaha koowaad ee kooxda , arintan ayaa Martínez ka dhigtay mid diyaar u ah inuu raadiyo koox cusub.
Chelsea ayaa hadda gudaha kooxda ka wada qiimeyn iyo wadahadallo ku saabsan suurtagalnimada heshiiska, waxaana la fahamsan yahay in Dibu Martínez uu doonayo inuu ku biiro Chelsea haddii ay kooxda go’aansato inay dhaqaaq rasmi ah sameyso, dhanka kale, ilaa hadda ma jiraan wax wadahadallo ah oo u dhexeeya Tottenham iyo Emiliano Martínez, inkastoo magaca goolhayaha lala xiriirinayay kooxo kale.
Sidaas darteed, Chelsea ayaa hadda si dhab ah u qiimeynaysa fursadda ay ku heli karto goolhayaha reer Argentina, iyadoo go’aanka ugu dambeeya uu ku xirnaan doono maamulka kooxda iyo shuruudaha heshiiska.
Be the first to comment