Ilbiriqsiyadii uu ilmeeyey Doon Ronaldo iyadoo dunida oo dhan ay daawaneyso Saaruukh madeera , waa laacibki ugu fiicnaa ebid ee xirta numberka 7aad , kan abuuray guulaha & Boqorka taariikhda ay ku naalooneyso Selicao yurub , laaicbka ay caashaqeen jamaahiirta Jamaahiirta Malaki Real Madrid & binconeri Juventus , Waxa uu astaan u aha Manchester United kahor inta uusan bur burin rikoorada oo dhan maanta waxa uu uciyaarayaa naadiga al nasri sucuudi ,
halyeyga farxad geliyey quluubka mucaashiqiinta , & kan carada ku kordhiyey indha mucaraadkiisa & kuwa kahorjeeda , kan ay ugaarsadaan camerooyinka meel kasta uu joogo
Warbaahinta & wargeysyada waxey wax uga qoraan si ay uqabsadaan trend kani waa cinwaanka muuqaalkeena maanta kaasoo aan ku eegi doono ilbiriqsiyadii ugu waaweynaa ee doon ka oysiisay iyadoo dunda oo dhan wada daawaneyso.
Markii ugu horeysay ee dunida toos udaawatay ilmada cristiano Ronaldo waxa ay aheyd bartamaha dhulkiisa & jamaahirtiisa gaar ahaan dhamadkiii tartanka Yuro sanadkii 2004 , waa tartakii ugu horeeyey ee weyn uu kaqeybgalo doon , waxa uu markaasi caalamka tusay mowhibadiisa isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed indhadaraan dar lahaa isagoo kaliya kadhimaneyd sare uqaadida koobka dahabka lkn dhamaadkaasi waxa uu noqday cagsiga dhamaan saadaalinada a lasameeyey taasoo waraqa ahaan sheegeysay Portugal indhulkeeda ayku qaadi doonto koobka ka ahaan ineysoo bandhigtay heer indhadaraan dar lahaa lkn Greeka waxa uu lahaa , markii la yeeriyey seerigii ugu dambeeyey ciyaarta ronaldo aya alaqarxay ilmaha iyadoo camerooyinka kusoo jeedaan iyadoo jamahiirta sidaasi kudaawatay qaracanki ugu horeeyey ee Laacibka .
2= Markii 2aad waxa uu ahaa Koobkii champions leageue ga sanadkii 2008 , ROnaldo waxa uu lahaa sabab gaar u aheyd ee ku riixday Ilmada waana luminta mid kamdi ah gool kulaadyadii dhamaadka kasoo kabad baadiyey Peter check oo difaacayey safka Blues chelsa si uu usoo noqdo Vander sar oo uuusoo nooleeyo ryada Ronaldo & saaxiibadiisa waana waxa siiyey United dhunkashadii nolosha isla markaana sare ay ugu qaadeen Koobkii dhagaweynaha Champions .
CR7 tartankaasi waxa uu ahaa xidiga Kooxda isaga ayaana udhaliyey goolka kulanka sidaasi daraadeed waa uu xamili waayey inuu noqon lahaa sababtiisa guuldarada koobka naadigiisa lkn qadarta ayaa garab istaagtay habeenkaasi.

3, Maxusuusataan ilbiriqsiga C ee caanka ahaa taasoo markii dambe noqotay astaanka cristiano ronaldo taasoo ay kudaydeen cushaaqdiisa kuwa jaceelka daran uhaya , ronaldo waxa uu u ilmeeyey sida caruurtii oo kale maxa yeelay waxa uu marayey cadaadis nafsiyadeed ood aran gaar ahaan lionel messi oo qabsaday kubada dahabka sanadkii 2009 ilaa 2012 ,
Ronaldo waxa uu dareemay inu dulman yahay isla markaana Messi uu soo gabagabeeyey hardankii kadhexeeyey Ronaldo waxa uu sanadka iskudayi jiray inuu sameeyo wax kasta oo siinaya Ballon diorka xaqiiqadana waxa ay tahay kuguukeysigiisa markan waxa ay ulaheyd dhadhan gaar ah , sida uu yiri :- “Rabiitankeyga & hamigeyga ayaa cusboonoobay si uu uziyaadiyo qasnadiisa biladaha shaqsiga taasi ayaana dhacday , hadii aad weydiiso Cr7 kubadii dahabka ee kugu muhiimsaneyd kubadaha dahabka ee ku guuleystay waayihisia shaki la’aan waa uu ku leeyahay 2025”.

3. Sanadkii 2016 inti lagu guda jiray tartankii yuroga Cristiano Ronaldo waxa uu ilmeeyey 2jeer, markii 1aad waxa ay aheyd tiiraanyo daran aan marna lagu tilmaami karin wax kale , tan 2aad waxa ay xambaarsaneyd farxadi ugu weyneyd oo waayihiisa kubada cagta dhamaan ,
tan 1aad waxa ay aheyd dhaawicii soo gaaray finalkii yuro markaas oo ciyaarta laga saaray , inkastoo ronaldo uu isku dayey u adkeysiga dhaawaca lkn uma suuragelin talaabadaasi , markii uu ogaaday inuusan dhameysan karin ciyaarta ilmada wuu ceshan kari waayey , ilbiriqsigaasi & finalkaba waxa ay sugayeen 12 sano , tan & intii ku guuldareystay Finalkii Greeca ee Yuro 2004 dhulkiisa & bartamaha Jamaahirtiisa , waxaana ay aheyd fursad aan usoo labaneyn markale si uu ugu xaqiijiyo koobkii ugu horeeyey ee wadankiisa gaar ahaan koobkaasi oo muhiim u ahaa marka ay timaado hardankii kadhexeeyey isaga Lionel Messi
4.Ilbiriqsiga ilmada kasoo daadeysay Cristiano wey ku adkeyd cid kasta oo kamid ah cushaaqdiisa lkn waxey isku badashay farxad taariikhi ah markii ninka ay isku wadanka yihiin eder uu kashuuday banaanka goosha kahor dhamaadka ciyaarta si uu udhaliyo Goolka Caleemasaarka koobka uero , Ronaldo aya farxad la ilmeeyey habeenkaasi mar 2aad isagoo ah Championska yurub markii ugu horeysay xuka celicao yurub fadliga halyeygooda ninka numberka 7aad .

5. Ronaldo waxa uu markale ilmeeyey markii uu waayey koobkii dunida ee caruuskiisa ka dhacay dalka qadar ,dhamaan jamaahiirta dunida kubada cagta oo dhan waxa ay si taxadar leh ula socdeen koobkii dunida ee qadar , waxey kaga dhigneyd Messi & ronaldo fursadi ugu dambeysay marka laga hadlayo ku guuleysiga koobka dunida lkn Ronaldo Mondiyaalkan waxa ay kaga dhigneyd kii ugu xumaa waayihiisa kubada cagta ilaa uu isku rogay tababarihiisa fernandos santos .

lamafilaanka weyn ayaa bilowday markii xulka Portugal uusoo galay garoonka kulankii Marroco isagoo aan wadan Doon Cristiano, Markii goolka uukadhaliyey Yuusuf naseeri ayuu badal kusoo geliyey lkn dhamaan iskudayadiisa cr7 ayaa fashil kusoo dhamaaday , si dhamaadka seeriga ciyaarta ugu dhawaaqo guusha marroco & dhamaadka xaqiijinta riyada CR7.
habeenkaasi ronaldo xita masuugin ilaa uu gaaro qolka labista isagoo tunelka ugu si heersteeri ah ugu ilmeeyey , dadkoo dhan waxa ay yiraahdeen saxiibadiisa & tababarihiisa ayuu khiyaano kadareemay kaasoo go aamiyey in kursiga keydka loo dhaadhiciyo sid inuu yahay mushkilada guud ee xulka dilootay.

6= Ilmadii ugu yaabka badneyd waxa ay aheyd tii ku timid dhamaadka koobka boqorka dalka sucuudiga dhacdo dadka aysan fahmin ilaa maantadan cushaaqdiisa & mucaaradkiisa, waxa lasheegay iney u aheyd mid kamid ah habeenadii ugu adkaa waayihiisa ,
dadka ayaa is weydiiyey sababta sidaasi uu ugu ilmeeyey maadaama uu koobka uusan dhaafsiisaneyn maxali mana aheyn mid qaaradeed ama koob aduun, hadaba daawade muuqaalkee kugu xasuusta badnaa ilmada Cristiano ?
Be the first to comment