Zinedine Zidane ayaa jeediyay hadalladiisii ugu horreeyay kadib markii si rasmi ah loogu magacaabay tababaraha cusub ee France national football team, isagoo beddelaya Didier Deschamps.
Shir jaraa’id oo uu qabtay xiriirka kubadda cagta Faransiiska ayuu Zidane ku sheegay in magacaabistiisu ay tahay riyo u rumowday.
Zidane ayaa ugu horreyn farriin taageero u diray dab-damiska iyo qoysaska ay saameeyeen musiibooyinkii ugu dambeeyay, isagoo sidoo kale u mahadceliyay xiriirka kubadda cagta Faransiiska kalsoonida ay ku siiyeen xilkan.
Wuxuu sheegay in muddo afar ilaa shan sano ah uu diiday dalabyo uga yimid kooxo badan, maadaama hamigiisa ugu weyn uu ahaa inuu maalin uun noqdo tababaraha xulka qaranka Faransiiska.
“Maanta waa maalin aan ku riyoon jiray. Waxaan soo maray dhammaan heerarka xulka Faransiiska, waxaana sameyn doonaa wax kasta oo aan awoodo si aan u sii wado guulaha kooxda,” ayuu yiri Zidane.
Tababaraha cusub ayaa sidoo kale ammaan u jeediyay Didier Deschamps, isagoo ku tilmaamay shaqadiisa mid weyn, wuxuuna sheegay in inkastoo waqti cusub uu billowday, haddana hadafka xulka uu weligiis ahaan doono guul.
Zidane wuxuu sheegay in qaab ciyaareedkiisa lagu arki doono kulamada soo socda, isagoo xusay inuu yahay tababare jecel kubadda weerarka iyo dhalinta goolasha, isla markaana khibraddii uu kasoo qaatay Spain iyo kooxihii uu soo maamulay ay ka caawin doonto shaqadiisa cusub.
Markii wax laga weydiiyay kabtanka xulka, wuxuu sheegay inuusan weli la hadlin Kylian Mbappé, maadaama uu doonayo inuu siiyo waqti uu ku nasto, isla markaana wada-hadallada ay bilaaban doonaan bisha Sebteembar.
Zidane ayaa sidoo kale shaaciyay inuu hore u go’aansaday tan iyo bishii Janaayo 2025 inuusan tababare u noqon doonin koox kale, sababtoo ah himiladiisu waxay ahayd inuu hoggaamiyo xulka qaranka Faransiiska.
Dhanka diyaar-garowga, wuxuu sheegay in kulankiisa ugu horreeya uu noqon doono mid ay la ciyaarayaan Turkiga, isla markaana uu xoogga saarayo sidii uu ula qabsan lahaa ciyaartoyda una dejin lahaa qorshihiisa ciyaareed.
Ugu dambeyn, Zidane wuxuu ka hadlay arrinta cunsuriyadda, isagoo sheegay in Faransiisku yahay dal ku dhisan kala-duwanaansho, wuxuuna ku baaqay in si mideysan loola dagaallamo cunsuriyadda.
Be the first to comment