Morgan Rogers Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Chelsea

Khadka dhexe ee weerarka uga ciyaara Aston Villa, Morgan Rogers, ayaa subaxnimadii saaka oo Isniinta bilaabay tijaabada caafimaadka  ee Chelsea, si loo dhammeystiro heshiis lagu qiimeeyay £117 milyan, sida ay sheegtay Sky Sports.

Haddii uu si guul leh uga gudbo baaritaanka caafimaadka, Rogers ayaa saxiixi doona qandaraas lix sano ah oo soconaya illaa 2032, iyadoo Chelsea ay haysato ikhtiyaarka ay ugu kordhin karto hal sano oo dheeraad ah, taasoo heshiiska gaarsiin karta 2033.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa Axaddii dib uga soo laabtay dalka Mareykanka, kadib markii xulka England ay ku dhammeysteen kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka 2026.

Rogers ayaa haatan la filayaa inuu maalmaha soo socda si rasmi ah ugu biiro garoonka Stamford Bridge, iyadoo Chelsea ay si degdeg ah u dhammaystirtay wadaxaajoodyada heshiiska.

Chelsea ayaa ku guuleysatay saxiixa Rogers, iyadoo ka hormartay Arsenal, oo inkastoo ciyaaryahanka uu ahaa bartilmaameedkooda koowaad ee weerarka, aysan diyaar u ahayn inay bixiyaan lacagtaas badan.

Haddii heshiiska la xaqiijiyo, £117 milyan ayaa noqon doonta lacagtii ugu badnayd ee abid koox British ah ku iibsato hal ciyaaryahan, taasoo jebin doonta rikooradii hore ee suuqa kala iibsiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga