Lionel Messi ayaa mar kale taariikh sameeyay kadib markii uu hoggaamiyay xulka qaranka Argentina inay gaaraan final-ka Koobka Adduunka 2026, isagoo hal tallaabo u jira inuu ciyaaro saddex final oo Koobka Adduunka ah, taasoo la micno ah inuu barbareeyay halyeeyga reer Brazil ee Cafu.
Cafu wuxuu ka qeyb galay final-kii Koobka Adduunka ee 1994 (isagoo beddel ku soo galay), 1998 iyo 2002, halka Messi uu gaaray final-kii 2014, 2022 iyo 2026. Si kastaba ha ahaatee, kabtanka Argentina ayaa haatan fursad u haysta inuu dhigo rikoor aan hore loo arag, maadaama uu noqon karo ciyaaryahankii ugu horreeyay ee safka hore ku bilaaba saddex final oo Koobka Adduunka ah.
Ma ahan oo keliya inuu taariikh ka sameeyay tirada finallada uu gaaray, balse Messi wuxuu sidoo kale sii watay bandhiggiisa cajiibka ah ee wareegyada bug-baxa, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay tan iyo 1966 ee hal kulan oo bug-bax ah sameeya 9 jeer oo kubbad dhaafis guuleysi leh (successful dribbles) isla markaana bixiya 2 caawin.
Intii lagu guda jiray Koobka Adduunka 2026, kabtanka Argentina wuxuu ciyaaray 7 kulan, isagoo si toos ah uga qeyb qaatay 12 gool, kuwaas oo isugu jira 8 gool iyo 4 caawin, taasoo mar kale caddeyneysa inuu ka mid yahay ciyaaryahanadii ugu waaweynaa ee taariikhda kubadda cagta.
Messi ayaa hadda rajeynaya inuu Argentina ku hoggaamiyo hanashada koob kale oo adduunka ah marka ay final-ka wajahaan xulka Spain, kulan si weyn loo wada sugayo oo fursad u siin kara inuu bog cusub ku daro taariikhdiisa cajiibka ah isla markaana ku guuleysto Koobka Adduunka laba jeer oo xiriir ah isagoo matalaya dalkiisa.
Be the first to comment