Messi Oo Mar kale Taariikh Qoray,Muxuu Sameeyay Marka.

Xiddiga xulka Argentina Lionel Messi ayaa sii wada qorista taariikh cusub oo Koobka Adduunka ah, kadib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee gaara 10 caawin (assists) taariikhda tartanka.

Messi ayaa rikoodhkan dhigay intii lagu jiray kulankii rubuc-dhammaadka Koobka Adduunka 2026 ee ay Argentina la ciyaareysay Switzerland, isagoo caawiyay goolka uu dhaliyay Alexis Mac Allister.

Caawintaas ayaa ka timid koorno si heer sare ah uu u soo laadlay Messi, waxaana kubbadda madax ku dhammaystiray Mac Allister, taasoo Argentina siisay hoggaanka ciyaarta.

Guushan shaqsiyadeed ayaa Messi ka dhigtay ciyaaryahanka ugu caawinta badan taariikhda Koobka Adduunka, isagoo hoggaanka u qabtay liiska caawiyeyaasha tartanka.

Rikoodhkan cusub ayaa mar kale muujinaya heerka taariikhiga ah ee Messi, kaas oo sii wada jebinta rikoodhada isagoo ciyaaraya Koobkiisii Adduunka ee lixaad, isla markaana ku daraya guulo cusub halyeeynimadiisa xulka Argentina.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga