Xulka England ayaa u gudbay wareegga afar-dhammaadka Koobka Adduunka 2026 kaddib markii ay 2-1 kaga adkaadeen Norway ciyaar lagu daray waqti dheeri ah oo ka dhacday garoonka magaalada Miami.
England ayaa wareegga afar-dhammaadka ku wajihi doonta xulka ku soo baxa kulanka u dhexeeya Argentina iyo Switzerland.
Norway ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 36-aad, waxaana goolka u dhaliyay Andreas Schjelderup, kaas oo kubbad cajiib ah ka toogtay gudaha xerada ganaaxa, taas oo si lama filaan ah uga yaabisay goolhaye Jordan Pickford.
Daqiiqaddii 45+2-aad ayuu Jude Bellingham barbareeyay ciyaarta, kadib markii uu baas ka helay Anthony Gordon, isagoo gudaha xerada ganaaxa ka dhaliyay gool qurux badan. Wax yar ka dib, Harry Kane ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 45+5-aad, balse goolkaas waxaa loo diiday offside.
Daqiiqaddii 55-aad ayay Norway dhalisay gool labaad oo uu madax ku dhaliyay Torbjørn Heggem kaddib laad gees (koorno), balse garsooraha ayaa diiday goolkaas, isagoo sheegay in qalad lagu galay Erling Haaland intii koornada la fulinayay. Sida xeerarka cusub dhigayaan, koornada ayaa dib loo celiyay.
Norway ayaa fursad weyn heshay markii madax uu laaday Christopher Ajer ay ku dhacday birta sare ee goolka, halka Bukayo Saka uu diray kubbad halis ahayd oo daafaca Norway ay daqiiqaddii ugu dambeysay iska saareen. Sidaas ayay 90-kii daqiiqo ku dhammaadeen barbaro 1-1 ah, waxaana la aaday waqti dheeri ah.
Daqiiqaddii 93-aad ayuu Jude Bellingham dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta, kadib markii darbo xooggan oo uu soo tuuray Morgan Rogers uu goolhayaha Norway soo celiyay, Bellingham-na uu kubbadda daba geeyay shabaqa. Goolhayaha Norway ayaa intaas kaddib sameeyay badbaadinooyin cajiib ah, balse ugu dambeyn England ayaa 2-1 ku badisay ciyaarta, iyadoo xaqiijisay u soo bixitaankeeda wareegga afar-dhammaadka Koobka Adduunka 2026.
Be the first to comment