Arsenal Oo Liverpool Ka Hormartay Saxiixa Mucjisada Mexico Ee Gilberto Mora

Kooxda Arsenal  ayaa la sheegay inay hoggaanka u hayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga da’da yar ee reer Mexico, Gilberto Mora, iyadoo ka horreysa kooxda Liverpooly.

Tababare Mikel Arteta ayaa sii wada qorshihiisa uu ku soo xulanayo hibada ugu wanaagsan ee kubadda cagta, waxaana hadda bartilmaameedkiisa noqday Mora oo si weyn uga dhex iftiimay 2026 FIFA World Cup.

Arsenal oo ka horreysa Liverpool

Wararka ka imanaya Mexico ayaa sheegaya in Arsenal ay haatan hormuud u tahay tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka uga ciyaara Club Tijuana.

Waxaa la sheegay in Liverpool ay u baahan tahay inay sare u qaaddo dalabkeeda haddii ay rabto inay ka hormarto Arsenal.

Go’aanno cusub oo la xiriira mustaqbalka Mora ayaa la filayaa toddobaadyada soo socda, maadaama xiisaha loo qabo uu sii kordhayo kadib qaab ciyaareedkiisii Koobka Adduunka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga