Garoomada kubadda cagta waxa ay marqaati kacday abaalgud laaciibiin waaweyn oo diiday in naadiyadooda ayka doortaan Malaayiin lacago ah, Cishqigiisa Qalcada Anfeild & Mersiside ma aheyn ilaa & mid loo mideysanyahay, udaacad ahaanshihiisa Reds waxa uu ka yeelay in xusuustiisa kuwaarto Midanka casaanka “Lagayaabee inaan mustaqbalka kashalaayo inaan badalanin jawiga lkn waxaan hubaa inaan sikaweyn ushaleyn lahaa hadii aan katagi lahaa naadiga aan jeclahay” Kalmadaasi waxaa ku qowlay Midka Martida inoo ah Maanta Isagu Steven Gerrad wadanihii Liverpool & Ninkii birta ahaa ee qalcadda Anfeild Sidee bey aheyd noloshiisii adkeyd , Jaceelkiisa everton, dhaawiciisii kusigay in lugta lagajaro, Xusuustiisa murugada laheyd dhacdadii Helisbura, Diidmadiisii Real madrid, canugii gaariga uuku dhuftay, hogaamintiisii mucjisadii Istanbul intaasi & kabadan waxaan wada jir ugu baran doonaa xubin oo kamid ah sil siladaha xaqiiqooyinka xidigaha oo had & jeer aad uga barateen bartiina kooxda.com
Steven Gerrad waxa uu ku dhashay 30 kii May 1980 deegaanka Whiston Merdside magaalada Liverpool wadankaasi England, Aabihii waa Paul Geerad Hooyadiina waa Jule Ann Geerrad .

Steven Gerrad safarkiisa dhibaatada waxa uu lasoo bilowday tan & markii uu caloosha kujiray , dhalashiisa waxa ay aheyd mid adag oo hooyadii ayla dhibtooday waana waxa keenay inuu dhasho isago lugihiisa qalooc ayku jiraan taasina waxaa lasheegaa iney soo gaartay dhalashiidiisii , bal waxaa suuragal ahaan laheyd iney soo afmeerto riyadiisa kubadda cagta.
Nasiib wanaag waa uu ka caafimaad dhamaan mashaakiladii yaraantiisii uusoo martay markii uu gaaray darajada isuulka waxa ubilwoday waayihiisa waxbarasho isagoo la geeyey dugsigii St Mecheal Primay lkn hada magaciisa loo badalay Hyton with Robey CE.

Mid kamid ah macalimiintiisa waxa uu qabaa inuu yaraantiisa ahaa arday asluub ahaan aad ufiican . Cishqigiisa kubadda cagta ma aheyn mid soo daahay yaraantiisii waxa uu ahaa mid laga garan karayey inuu yahay mowhibad ka soocnaan doonta kuwa kale ,
“Markii uu ahaa 6 sano waxey aheyd mid soo muuqatay mowhibadiisa uma baahnid inaad noqotid khabiir si aad u aragtid inu yahay mid gaar ah , waxa uu ahaa mid meel kasta laga jecelyahay waxa uu ku noolaa kubadda cagta, Guulaha kooxdiisa waxa uu ahaa midkii kadambeeyey” ,
Cishqigaas kubadda cagta waxa uu ka yeelay inuu ku dhex dheco dhabta naadiga Everton oo cadaawad xoogan kala dhexeysa naadiga Reds, intii ku ciyaarayey hareeraha gurigiisa oo udhawaa Everton ayaa waxa sii ziyaaday cishqigiisa Everton , waxa uu booqan jiray Goodson park oo ah garoonka Everton, munaasabado dhowr ah ayaa lagu sawiray Toffies, lkn sawirka ugu caansan waa midkan oo xitaa shaki loo geliyey udaacad ahaanshihiisa Reds, Isagu waxa uu ka leeyahay sawirkaasi:-
“waxaa jirtay sawir faafay anigoo xiray fanaanada kooxda Everton dadka qaar waxa ay yiraahdeen waa been abuur lkn waa xaqiiqo abtigey ayaa usabab ah waxa uu si waali utaageere ugu ahaa Everton, sanadkii 1987 guriga ayuu yimid waana iwaday aabahey oo aan ogeyn waxa uu igu yiri waxaan kuusoo iibiyey dhar isku joog kubada cagta , waxaana ku guuleystay inaad heshid fursad aad iskula soo sawireysid horyaalka & koobka League cupka kaasoo ahaa sanadkasi Everton nasiib keeda.

canug yar ayaan ahaa welina mabilaabin waayaheyga academiyadda liverpool , taasi riyo ayey ii aheyd waan raacay sawirka ayaana soo galay, markii aan guriga kusoo laabanay , Aabahey waxa uu ku sigtay inuu dilo abtigey , waxa uu igu yiri :-
“Midka waalanow maxaad sameysay qolka ayuuna ii diray, maalintii xigtay waxa uu ii keenay sawir weyn oo ah Kenny daglesh waxaana uu iisuray qolkeyga waxa uu igu yiri kani waa halyeeyga liverpool & midka ugu weyn taariikhda naadiga sifiican ufiiri waxaa kugu waajib isaga cml inaad noqotid maalin maalmaha kamid ah . Intaasi kadib waxaa lagu biiriyey academiyadda Liverpool.
Waxaa jirtay qiso xanuun badan oo qabsatay stven kadib markii uu soo gaaray dhaawac qarka usaaray inuu soo afmeero waayihiisa kubadda cagta kahor inta uusan bilaaban waxa uu ka leeyahay gerrad:-
“Mid kamid ah maalmaha waxaan usoo baxay inaan kubadda ku ciyaaro goob udhaweyd gurigeyga , kubadu waa ay dheeraatay iyado dhex gashay geedaha dhexdooda , waxaan u aaday inaan soo celiyo , waxaan ka baqayey in gacanteyda aan geliyo oo wax iga cunaan , waxaan go’aansaday inaan lugteyda adeegsado , si xoogan ayaan ulaaday si ay kubadu ugasoo baxdo dhinaca akale , kubadu sifiican uma arkeynin markii aan laaday waxaan dareemay xanuun aanan kuu sifeyn karin , waayaheyga dhaawacyo badan ayaa isoo maray jabniin & kuwo kale oo qaliin ah , dhaawacaasi waxa uu ahaa kii iigu xanuun badnaa waayaheyga halkaasi waxaa ahaa fargeeto weyn oo nooca qashinka ah halki kubada aad laadi lahaa waxaan laaday fargeetadii si ay ugasho lugteyda, deriska ayaa qaaday Isbitaalka ”
Halkaasi geerad kuma Sugeynin dhaqtarka ilaa & lamafilaan moyaane waxa uu go’aansaday mid kamid ah fariisa lugaha canugan in lajaro maxaa yeelay birtii muday waxa ay laheyd jeermis waxa uu kabaqayey inuu kufaafo lugta taaso keeni kartay in lugta oo dhann lajaro,
Dr waxa uu ku wargeliyey go’aankiisa waalidka Lkn aabihii ayaan aheyn ilaa mid ku qeylineyey Jooji..jooji Steven waxa uu ciyaaraa kubadda cagta , waxaa kugu waajib ah inaad kala tashatid Liverpool markale”
waxaa lala xiriiray Steven Hwen xidighii hore ee Reds & madaxii academiyadda waqtigaasi , waxa uu tagay isbitaalka si uu uwajaho Drka , isagoo leh :- “Ma jari doontid farta canuga ugu fiican Academiyadeena raadi xal kale oo aan baabi’ineynin mustaqbalka Steven ”
Intaasi kadib 3 Todobaad oo isbitaalka uuku jiray waa laga saaray halistii laga baqayey ee baabi’in kartay halkaasi ayey ku baaqatay, Waxa uu ka yiri Gerrad :- “nasiib wanaag waxaan helay fasax 3 isbuuc oo iskuulka ah , waxaan sariirta ku daawanayey Kenny daglesh Iyan rash & John Part kuwaasi waxa ay ahaayeen dawooyinkeyga ugu fiican” , .
Steven Gerrad waxa uu isaga dambeeyey heerarka kala duwan ee kooxda ilaa uu soo gaaray kooxda 1aad si uu unoqdo dheymankii ay sugayeen cushaaqda mersiside ficil ahaan waxaa horumartay mowhibadiisa kulankastana taabashadiisa saameynteeda waa ay muuqatay.

Gerrad dhacdadii Muragada laheyd ee soo martay waxaa aheyd kadib markii uu geeriyooday wiil ay walaalo ahaayeen oo adeerkii uu dhalay kaasoo lagu magacaabi jiray Jon Paul Hoogly , waxa uu ahaa taageerihii ugu yaraa ee ku geeriyooday dhacdadii Hilssbury ee 96da taageere ay geeriyoodeen sanadkii 1989,
“Wey adkeyd inaan waayo mid kamid ah ilma adeeradey , aragtida dareenka qoyska waxey iga yeeshay Inaan noqdo waxa aan maanta ahay “.
Steven Gerrad waxaa udhaxday Alex Curran oo dhalatay 23 kii september 1982 waa gabar Fashionka sameysa bilowgii cilaaqadooda waxa ay aheyd bartamihii sanadkii 2000 , gabadhan quruxda badan ee cishqigeeda uuku dhacay Steven Gerrad waxa ay guursadeen sanadkii 2007 iyadoo udhashay tiro caruur ah” .
Steven Gerrad waxaa jiray 4 laacib uu sheegay in noloshiisa kubadda cagta saameyn ku laheyd isla markaana aad uu ujecleystay kagarab ciyaaridooda kuwaas oo kala ahaa Luis Alberto Suarez, Xavi Alonso, Fernando Tores & Weyne Rooney oo xulka ay iskala soo ciyaareen” .
Waxa u sheegay inuu iney lama filaan ku noqotay uyeeridiisa xulka looga yeeray yuri hii sanadkii 2000, waqtigaasna waxaa xusid mudan inuusan xitaa Gerrad ku riyoon sababtoo ah kaliya hal kulan ayuu uciyaaray xulka .
buuga taariikhdiisa ayuu kaga waramay qiso yaab leh oo ku saabsan xidigaha ay cadaawada xoogan ay kala dhexeyso ee manchester United waxa uuna ka leeyahay:- ‘ marka la iiyeeray waxaan tagay xarunta xulka waqti dambe laacibiinta waxa ay ahaayeen kuwa casheynayey Ma awoodin inaan ugalo , waxaan wacay jemy rednapp waxaana ku iri aniga halkan ayaan joogaa waa ii soo baxay isagoo qoslaya waxa uu igu yiri gudaha soo gal ha u dhaqmin sida caruurta , waa isoo dhaweeyey Kegan waxaana ay ahaayeen kuwa ibarayey laacibiinta kale , markii aan gaaray laacibiinta Manchester waxaan arkay iyagoo ii dhoola cadeynaya Beckham andy cole , Scholes , gary navle , waxaan iri maxey tahay tan kuwan waa cadowgeena Sidee iigu dhoola cadeynayaan aniga waxaan ku bar baaray naceybka manchester, laacibiintooda & jamaahiirtooda xitaa kuwa kashaqeynaya Old Traford maalintii xiigay ayaan sidaasi ku iri Gary isaguna Navle waa dhoola cadeeyey, waxa igu yiri anaga xitaa waan ku bar baarnay naceybka Liverpool lkn waxaan la ciyaareynaa Arjentiin , England waxa ay la ciyaareysaa Arjentiin mana aha Liverpool, arsenal ama United, Sifiican u Ogow midaasi,
Waxa uu intaasi ku daray :- ” Cashar ayaan ka bar bartay ilaa aan noqday captanka xulka England” ,
Garry Maka lister waxa uu ahaa xidig reer Scotland ah waxa uu ku biiray Liverpool bilowgii labada kunleyla, Gerrad waqtigaasi waxa uu ahaa mid u arkayey 35jirka waqtigaasi inuusan waxbadan kusoo kordhin karin kooxda lkn waqti dambe ayuu qirtay in fekerkaasi uuku qaldanaa isla markaana doorweyn uu kaqaatay 5 koob oo waqtigaasi kooxda ku guuleysatay isla markaana waqtigaasi uu ahaa mid siin jiray talooyin kuhogaamiyey reds meel dheer iney talaabsato,

Xili ciyaareedkii 2004 waxaa uu ahaa mid wax badan uqarinayey cushaaqda kubadda cagta , naadiga kubadda cagta Chelsea waxa laheyd kacdoon kubadeed & isbadal dhanka maamulka ah kadib markii uu iibsaday malyuuneerka Roman Abramovich waqtigaasi chelsea waxey keentay Speceal One ee Jose mourinho iyadoo sidoo kale xidigaha ugu fiican ee yurub lawareeeysay .
Qasadkeena waa halkan Steven Gerrad ayey soo doonatay blues si ay ugeyso standford bridge waxa uu ka leeyahay Gerrad:- “waxey aheyd markii ugu horeysay inaan kufekerayey in mustaqbalkeyga ka fogaandoono liverpool, tartamadii ayaan kafogaanay , naadiyo waaweyn ayaa dalab iga keenay kuwa siweyn udaneynayey waxaa kamid ahaa chelsea kuwaas oo mustaqbal qurux badan la bilaabay Mourinho lagu daray Gerrad Oliye ninka fadliga weyn igu lahaa kooxda waa uu katagay”
Waxa uu intaasi ku daray kalmadihii ugu dambeeyey ee uu ku macsalaameeyey iney ahaayeen :- “Waxba ha iga wal walin Steven kaliya nafsadaada ka feker adiga naadi weyn ayaad joogtaa waxaad noqotay hogaamiyaha kooxda , waxaad noqon doona mid kamid ah kuwa ugu waaweyn caalamka igu kalsoonow Mustaqbalkaaga halkan ayuu yaalaa”.
1gii October Sanadkii 2007 Steven gerrad ayaa gaari ku dhuftay mid kamid ah caruurta magaalada liverpool , waxaa jabniin soo gaaray qeybo kamid ah lafaha jirkiisa waxaa la geeyey isbital waqtigaasi , goor dambe steven ayaa ku booqday isbitaalka isagoo hadiyad ugu geeyey canuga fanaanada xulka ee Wayne Rooney oo leh saxiixa weyne kaasoo cishqi uhayey canugaasi.
Sanadkii 2005 waxa uu kaqeyb galay musal salka WILL kaasoo ayku wehliyeen halyeeyadii Reds kenny deglish & Jmey Carrager, waxa uu kasheekeynayey Musalsalka canug yar oo doonaya inu xaadiro Dhamaadkii champiosn League 2005 taaso liver loo caleemasaaray, Gerrad ayaa si qurux badan kaga soo baxay doorkiisa waana waxa keenay iney saxafiyiinta yiraahdaan “Gerrad waxa uu helay shaqo kadib iscasilaadiisa.
Bishii july 26 keedii Sanadkii 2008 Gerrad waxa uu la balan sanaa weyneyn kaga timid jaamadda Moores University taasoo lagu sharfayo wixii uu kasoo qabtay kubadda cagta.
Steven Gerrrad marka aad maqashid hubaal iney kuugu soo dhaceyso habeenkii Remontada ama soo laabashadii cajiibka aheyd ee reds & mucjisadii Istanbul, casaanka oo dhan waxa ay ahaayeen kuwo ku sugnaa istanbul , Liverpol ayaa 48saac kahor gaartay dalka Turkeyga- kahor ciyaarta laba fariin ayaa ku soo dhacday Steven Gerrad taleefankiisa, mida 1aad waxa ay ka timid John terry tan 2aadna waa Theiry Henry kuwaas oo wanaag uga rajeeyey kulanka , kahor ciyaarta waxa uu ka leeyahay :- “kahor ciyaarta shirka jaraa’id waxaan la lahaa paulo maldini captankii Milan, Caragher ayaa is istaajiyey waxa uu igu yiri :- ” hadii aad aragto koobka iska jir ha isku taaban hadii aad sameyso waan ku dili doonaa , waxaa jira aaminsanaan taabashada koobka kahor kulanka iney tahay tilmaan guuldaro, marka aan arkay koobka waxaan doonay inaan taabto lkn waxaan soo xasuustay Carragher waan ogaa hadii aan sameeyo inuu dilayo taabashadeyda & guuldarada kadib’
Waxaa bilabatay ciyarta sekono ayey ubaahatay Milan si Maldini uu iclaamiyo in gool & waxba ciyaarta Rosaneri ku hogaamineyso kahor inta uusan booqan laba jeer hernan Crespo laba jeer shaqadan reds .
Qeybta hore dhamaadkeeda Gerrad waxa uu soo galay qolka labiska durba waxa uu bilaabay inuu ku qeyliyo laacibiinta isagoo leh :- ” Ilmahann waxa ay umaleeyaan in ciyaartu ay dhamaatay Maya ma dhamaanin ciyaarta , marka uu halkaasi marayo ayuu isku dayey inuu hadalka sii wato lkn uma suuroobin si uu khudbada ula wareego Jemy Carrager isagoo leh :- “Aan ahaano kuwo isku duuban xitaa 5-0 aan ku guuldaroono, adkeysta ;
markii garoonka lagu soo laabtay garoonka waa isqabsaday heesta You Will Never Walk Aloane , goolkii 1aad ayuu dhaliyey Gerrad kadib kubad uusoo qaaday John arne Riise , isagoo aaday taageerayaasha si uu uyiraahdo sii wada siiwada, ilbiriqsiyo kadib Smiser 3-2 si uusoo cararo Gerrad una yiraahdo soo socda waan guuleysaneynaa , waxaan idinku dhaaranayaa inaan guuleysan doono sidaasi waxaa laacibiinta ku yiri steven Gerrad.
isagoo sii hadlayey waxa uu yiri:- “Kubadda Milan Baros ayey xagiisa aaday waxa uu lagalay rigoorada milan , Mili Mili Mil ayaan ku qeyliyey 10 jeer ilaa uu imaqlay oo kubada iisoo celiyey xitaa isagoo i eegin, gatuso ayaa idilay , Gool ku laad , Xavi Alonso ayaa qaatay kubada, waxaa bad baadiyey Dida ilibiriqsigaasi wxii kadambeeyey waxaan ku fakarayey inaan guuldareysaney lkn xavi alonso waa dhameystiray 3-3, 6 daqiiqo kayar ayaan ku bar bareynay”
Gerrad uma baahan inuu tuuro rigoorada ugu dambeysa oo isaga uuku qornaa lkn Dudek goolhayihii liver ayaa kaga filnaaday kadib markii uuka bad baadiyey Shevshenko sidaas ayey liverpool riyadii xaqiiq ugu badashay , gerrad markii uu gurigiisa ku laabtay xaaskiisa waxa ay ku tiri:- “waxaad shumisay koobka habeenkasi inkabadan intii aad ishumisay sanad dhan habeenkaasi waxa uu kii iigu qiima badnaa nolosheyda”
27 kii April sanadkii 2014 , taariikhda aan marna ka go’eynin cushaaqda Liverpool , maalintaasi Reds waxa ay kulanka 36aad ee Premier league kuwajahday naadiga Chelsea iyadoo horyaalka kaga hogaamineysa farqi 6 dhibcood naadiga ku xigta ee man City waliba iyagoo u harsaneyd kulan mida dambe , markii loo dhawaa dhamaadka qeybta hore difaacyada Reds ayaa kubada isku dhiib dhiibayey ilaa ay ka gaarto hogaamiyaha Gerrad kaasoo aan awoodin inuu qabtokubadda , waxa uu usimbiririxday qaab yaab laheyd , kubadda ayaa gaartay Demba Ba Weeraryahanka Blues , si uu ula jaheysto dhinaca goosha oo uukuguuleystay inu shabaqa dhex dhigo , waqtigaasi kadib dhamaan iskudayadii soo celinta goolka Reds ayaa fashilmay lkn Wiliian ayaa dhaliyey gool uuku xoojiyey guusha ,
xili ciyaareed quruxda badnaa ee reds ayaa is rogay , waxaa luntay riyadii caleemasaarka koobkii maqnaa 24 sano waqtigaasi , man city ayaa guuleysatay isla todobaadkaasi , markale ayey guuleysteen kulankii baaqiga u ahaa si ay ubarbareeyaan dhibco ahaan Liverpool kahor inta aysan sii wadin Luminta dhibcaha bar baro ahaan Crystle Place kulankii 37aad kadibna waa ay guuleysteen kulankii ugu dambeeyey halka city labada kulanba guuleysteen si loogu caleemasaaro koobka , kufdii Gerradna waxey noqotay mid kusii fogeysay abaarta Reds ee heysatay ilaa & 2020 halka isagu unoqoto tii ugu caansaneyd waayihiisa , lkn iyadoo xiliciyaareedkan qarka ay usaaaran yihiin horyaalka waa uu sugi laa waqtiga rasmiga ayu go’aaminayaan waxa uu dhawaan ku qowlay :- ” Marwaliba waan ka fakiraa kufideydii 2014 lkn ku guuleysiga Liverpool tartanka Horyaalka waxa ay iga saacidi doontaa halmaamida dhacdadaasi .

Dad badan waxey u arkaan in caleemasaarka wiilka reer Brazil Ronaldinho abaalmarinta kubadda dahabka 2005 uu mudnaa in lasiiyey kadib markii horyaalka uu barcelona kula guuleystay isla markaana xulkiisa uula qaaday koobkii qaaradaha Confederation Cup lkn hadii aanu ku eegno aragti kabalaaran waxaanu heleynaa in ninka reer ingiriis Gerrad uu isaguna mudnaa kadib markii uu kamid ahaa musharaxiinta islamarkaana laf dhabar u ahaa kuguuleysiga Liverpool Koobka Uefa Champions League markii ayku guuleysteen Finalkii Mucjisada ahaa ee Stanbuul ee caanka noqday waqti ay Barcelona Championka ay ku macsalaameysay wareegga 16 ka mana jirin wax xusuus ah oo weyn oo xili ciyaareedkaasi kagatagay koobkan dinho,, waa sax in sixirka dinho kaliya uu ku filnaa in lagu siiyo abaalmarintan lkn marka la eego waxyaabaha lagu saleeyo bixinta kubadda dahabka waxaa kamudnaa gerrad maadaama uu ku guuleystay koobkii ugu weynaa qaaradda yurub ahna midka ugu muhiimsan naadiyada, taas oo dadka badankii ay u arkaan inuu Gerrad xaq ulahaa waqtigaa.
Intii uu kujiray waayihiisa kubadda cagta xidiga reer ingiriis waxa uu lakulmay dalabyo kala duwan kaasoo uu ugu caansanaa kii chelsea 2005 markii loosoo bandhigay iney chelsea ay ulabalaabeyso Mushaharka dadka oo idil ayaa rumeystay inuu katagayo Liver xitaa maamulka Reds & 2004 dalabkii Real Madrid oo ahaa midkale oo muhiim ah markii Florentina Prez uu lasoo shirtagay lacag dhan 50 Milyan si loo helo adeega laacibkan balse waa uu diiday laacibka inuu katago naadigiisa, waana arin markale soo laabtay waqtigii malaki uumaamulayey Mourinho waxaana Gerrad arinkaasi ka yiri :- “Lagayaabee inaan mustaqbalka kashalaayo inaan badalanin jawiga lkn waxaan hubaa inaan sikaweyn ushaleyn lahaa hadii aan katagi lahaa naadiga aan jeclahay”, Gerrad dhag jalaq muusan usiinin hadaladii ka dalbanayey inuu xirto maaliyadda boqortooyada Spain waxaana uusiiwatay waayihiisa kubadda cagta reds ee 25ka sano gaaray waxaana uu la qaaday dhowr jeer koobab oo ugu weynaa Champions league gii 2005 lkn muusan dhadhamin raaxada caleemasaarka horyaalka Premier league , markii uu dareemay inuu hoos udhacayo heerkiisa waxa uu go’aansaday inuu aadayo kooxda Los Angles ee dalka Mareykanka mudo kahor inta uusan soo afmeerin waayihiisa ka halyeey reer ingiriis oo Astaan u ah Waxaa lagu abuuray Anfield”. .
Steven gerrad waxa uu ku bar baaray cishqiga kooxda Liverpool waxaa uu kaga dayan jiray kubadda cagta Libter Bardley kaasoo kamid ahaa halyeeyadii sideetameeyadii isagoo kahadlayey Stven waxa uu ka leeyahay:- ” Waxan uu aadi jiray anfeild Road si aan isaga usoo dawado isaga ayaa usabab ah cishqigeyga liverpool” ,
Gerrad waxa uu leeyahay rikoor ah inuu gool ka dhaliyey Finalada Champiosn league – League cupka FA cupka , Kooba naadiyada dunida & efa Cupka oo hada loo yaqaano uerop League.
Be the first to comment