DEG-DEG: Manchester City Oo Ku Guuleysatay Tartankii Jeremy Monga, Arsenal Oo Laga Adkaaday

Kooxda Manchester City ayaa si rasmi ah u xaqiijisay saxiixa da’yarka reer England ee Jeremy Monga, kaddib markii ay heshiis kama dambeys ah la gaartay Leicester City iyo ciyaaryahanka, sida uu xaqiijiyay weriyaha lagu kalsoon yahay ee Fabrizio Romano.

Romano ayaa sheegay in qiimaha heshiiska uu gaarayo £10 milyan, iyadoo Manchester City ay ku guuleysatay inay soo gabagabeyso wada-hadallada isla markaana ka hormarto Arsenal, oo sidoo kale si weyn u doonaysay saxiixa ciyaaryahanka balse ku guuldarreysatay inay heshiis gaarto.

Waxa uu intaas ku daray in tababaraha Manchester City, Enzo Maresca, uu door weyn ka qaatay qancinta Jeremy Monga inuu ku biiro kooxda, isagoo u soo bandhigay mashruuc fog oo dammaanad qaadaya horumarkiisa mustaqbalka.

Arsenal ayaa ahayd kooxda ugu cadcad saxiixa da’yarkan 16 jirka ah, balse Manchester City ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ku guuleysatay inay la wareegto heshiiska.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga