Tababaraha Real Madrid, José Mourinho, ayaa doonaya inuu si rasmi ah u soo afjaro wax kasta oo muran ah oo weli ka dhex taagan Federico Valverde iyo Aurélien Tchouaméni, kaddib khilaafkii weynaa ee labada ciyaaryahan dhex maray dhowr bilood ka hor.
Qiyaastii saddex bilood iyo bar ka hor, Valverde iyo Tchouaméni ayaa isku dhacay gudaha qolka labiska Real Madrid, waxaana xaaladdu gaartay inay gacanta isku qaadaan, Kooxda ayaa markaas labadoodaba ku ganaaxday lacag dhan €500,000 midkiiba.
Inkasta oo xaaladda ay yara degtay markii xilli ciyaareedkii hore dhammaaday iyo kadib Koobka Adduunka 2026, haddana waxaa weli muhiim ah in la arko in xiriirkooda uu si dhab ah u hagaagay marka ay garoonka wada joogaan.
Sida ay qortay AS, Mourinho wuxuu doonayaa inuu gebi ahaanba boggaas xiro, waxaana qorshihiisa qayb ka ah in Valverde iyo Tchouaméni ay noqdaan laf-dhabarta khadka dhexe ee Real Madrid.
Mourinho wuxuu doonayaa in labada ciyaaryahan ay ka dambeeyaan afar weeraryahan oo ay ka mid yihiin Yan Diomandé, Kylian Mbappé, Vinícius Júnior iyo Jude Bellingham, taas waxay ka dhigan tahay in isfahamka Valverde iyo Tchouaméni uu noqon doono arrin aad muhiim ugu ah xasilloonida iyo isku dheelitirka kooxda.
Tababaraha reer Portugal ma qorsheynayo inuu hadda qaado tallaabo gaar ah ama uu labadooda u qabto kulan ay si gaar ah uga wada hadlaan khilaafkii hore, sababtu waxay tahay in arrintaas hore loo xaliyay, iyadoo labada ciyaaryahan ay hore uga wada hadleen.
Laakiin haddii Mourinho uu garoonka ku arko in khilaafkii weli saameyn ku leeyahay xiriirkooda ama wada shaqeyntooda, markaas tababaraha ayaa diyaar u ah inuu tallaabo qaado.
Tchouaméni ayaa bishii June u sheegay L’Équipe in aysan jirin wax dhibaato ah oo hadda u dhexeysa isaga iyo Valverde, isagoo sheegay in waxyaabo badan ay ka dhacaan qolka labiska, balse markii Valverde soo laabtay ay gacmaha is qabteen, wada hadleen, kadibna shaqadooda sii wateen.
Be the first to comment