REAL WEY ISXALISAY :- Vini JR & Real Madrid oo heshiis lamafilaan ah oo sir ah ……

Warbaahinta Spain ayaa faahfaahin ka bixisay wada-hadalladii dheeraa ee u dhexeeyay Real Madrid iyo Vinícius Júnior, kuwaas oo ugu dambeyn horseeday in xiddiga reer Brazil uu sii joogo kooxda ilaa 2032.

Heshiiskan ayaa yimid kadib ku dhawaad 18 bilood oo wada-xaajood ah, iyadoo labada dhinac ay muddo dheer isku hayeen arrimo dhaqaale.

Bilowgii wada-hadallada, Vinícius iyo wakiilladiisa waxay doonayeen mushahar gaaraya €30 milyan oo saafi ah sanadkii, iyadoo ay sidoo kale dalbanayeen gunno weyn oo cusboonaysiinta ah iyo in dib loo hagaajiyo xuquuqda sawirkiisa ganacsi.

Real Madrid dhankeeda waxay markii hore soo bandhigtay qiyaastii €22 milyan sanadkii, balse dalabkaas waa la diiday, maadaama Vinícius uu aaminsanaa in heshiiskiisu uu ka tarjumayo muhiimadda uu kooxda u leeyahay.

Intii wada-hadalladu socdeen, Arsenal ayaa noqotay mid ka mid ah kooxihii sida weyn loola xiriirinayay Vinícius, taasoo cadaadis dheeraad ah saartay Real Madrid, Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka reer Brazil ayaa doorbiday inuu sii joogo Santiago Bernabéu.

Bilowgii Agoosto ayay Real Madrid kordhisay dalabkeeda, iyadoo u soo dhowaatay shuruudihii Vinícius iyo wakiilladiisa. Arrintaas ayaa ugu dambeyn horseeday heshiis cusub oo labada dhinac ay isla meel dhigeen.

Inkasta oo heshiiska la xaqiijiyay, haddana Real Madrid iyo Vinícius waxay go’aansadeen in aan la shaacin lacagta saxda ah ee uu heshiisku ku kacayo, Sababta ugu weyn ayaa ah in kooxda Madrid aysan rabin in mushaharka Vinícius uu saameyn ku yeesho wada-hadallada ay mustaqbalka la geli doonto ciyaartoyda kale.

Sidoo kale, Real Madrid waxay ka baqeysaa in haddii lacagta la shaaciyo ay dhalan karaan isbarbardhigyo cusub oo lala sameeyo Kylian Mbappé, Jude Bellingham iyo xiddigaha kale ee kooxda.

Ugu dambeyn, Vinícius wuxuu go’aansaday inuu mustaqbalkiisa ku sii xidho Real Madrid ilaa 2032, taasoo soo afjartay ku dhawaad hal sano iyo bar oo ay socdeen wararka iyo shakiga ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga