Harry Kane Oo Sheegay Faa’iido Uu Xulka Mexico Dheeryay Xulka England Kulanka Wareega 16-ka Koobka Adduunka.

Harry Kane ayaa sheegay inuu ka walwalsan yahay in xulka England aysan haysan waqti ku filan oo ay ula qabsadaan xaaladaha adag ee ay la kulmi doonaan marka ay wajahayaan martigeliyeyaasha Koobka Adduunka ee Mexico kulanka Wareegga 16-ka.

Kabtanka England ayaa Xulkiisa ka badbaadiyey inay tartanka ka haraan kulankii ay la yeesheen DR Congo, isagoo dhaliyey laba gool oo magaciisa sii xoojiyey taariikhda kubadda cagta England.

Xulka uu hoggaamiyo Thomas Tuchel waxay u muuqatay inay qarka u saaran tahay in laga reebo tartanka iyadoo ay 15 daqiiqo ka harsan tahay ciyaarta, kadib markii Brian Kibambe Cipenga uu gool lama filaan ah u dhaliyey DR Congo horaantii ciyaarta.

Markii ugu baahida badnayd ayuu Harry Kane mar kale noqday geesiga Xulkiisa, isagoo laba gool oo daqiiqadihii ugu dambeeyey dhaliyey, taasoo England u suurtagelisay inay sameyso soo laabasho cajiib ah oo ay ku guuleysato ciyaarta.

Hadda England waxay diiradda saari doontaa kulanka xiga ee ay la ciyaari doonto xulka Mexico, kaas oo faa’iido weyn u leh garoonkiisa iyo taageerayaashiisa.

Garoonka caanka ah ee Estadio Azteca ayaa muddo dheer caan ku ahaa inuu ku adkaado kooxaha martida ah. Mexico waxay halkaas ku guuldarreysatay oo keliya 2 kulan 89 kulan oo rasmi ah, tan iyo markii garoonku martigeliyey Koobabkii Adduunka ee 1970 iyo 1986.

Intaa waxaa dheer, garoonkan oo qaada ku dhowaad 87,000 taageere wuxuu ku yaallaa joog dhan 2,240 mitir oo ka sarreeya heerka badda, taasoo abuureysa xaalad hawadeed oo ay ciyaartoyda England aanay khibrad badan u lahayn.

Kane ayaa yiri:

“Sida aan fahamsanahay, ma awoodno inaan la qabsanno joogga sare ee hawada. Waa faa’iido weyn oo Mexico ay leedahay. Waqti nagu filan ma jiro.”

Wuxuu sii raaciyey:

“Arrintaas hore ayaan u ogayn. Waa caqabad ay tahay inaan la noolaano.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga