Xiddiga garabka uga ciyaara Spain, Lamine Yamal, ayaa shaaciyay afarta xul ee uu rumeysan yahay inay gaari doonaan afar dhammaadka (Semi-finalka) Koobka Adduunka 2026.
Afartaas, France ayaa horey ugu soo baxday wareegga 16-ka, halkaas oo ay la ciyaari doonto Paraguay.
Portugal ayaa wareegga 32-ka la ciyaari doonta Croatia, Argentina waxay wajihi doontaa Cape Verde, halka Spain ay la ciyaari doonto Austria.
Si kastaba ha ahaatee, Lamine Yamal ayaa aaminsan in afartaas xul ay ka gudbi doonaan wareegyada bug-baxa, islamarkaana ay wada gaari doonaan Semi-finalka.
Yamal ayaa yiri:
“Aniga maskaxdayda, Semi-finalka waa inuu noqdaa: France vs Spain iyo Portugal vs Argentina.”
Be the first to comment