Xiriirka La Liga ee Spain ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka xilli ciyaareedka 2026–2027, kaas oo bilaaban doona 14-ka August. Taageerayaashuna waxay si weyn u sugayaan bilowga tartanka oo ay ku jiraan kulamo waaweyn oo la ciyaari doono toddobaadyada hore.
Kulanka ugu horreeya ee Derby-ga caasimadda u dhexeeya Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa la ciyaari doonaa 20-ka Sebtembar, waxaana uu ka tirsan yahay wareegga 7-aad.
Ciyaartaas waxaa lagu qaban doonaa garoonka Metropolitano, halka lugta labaad lagu ciyaari doono garoonka Santiago Bernabéu 24-ka April, iyadoo ka tirsan wareegga 30-aad.
Dhanka kale, El Clásico-ga ugu horreeya ee u dhexeeya Real Madrid iyo Barcelona ayaa la ciyaari doonaa 25-ka October garoonka Camp Nou, isagoo qayb ka ah wareegga 10-aad.
Lugta labaadna waxaa martigelin doona Santiago Bernabéu 9-ka May, taas oo ka tirsan wareegga 35-aad.
Xilli ciyaareedka La Liga ayaa la qorsheeyay inuu soo dhammaado 30-ka May 2027, iyadoo la filayo tartan adag oo loogu loollamayo horyaalka iyo boosaska lagu xaqiijiyo ka qaybgalka tartamada Yurub.
Barcelona ayaa ku guuleysatay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore, kaddib tartan adag oo ay la gashay Real Madrid.
Be the first to comment