Xulka Qaranka Norway ayaa u gudbay Wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026 kaddib markii ay 2-1 kaga adkaadeen Xulka Qaranka Ivory Coast ciyaartii Wareegga 32-ka.
Antonio Nusa ayaa hoggaanka u dhiibay Norway daqiiqaddii 39-aad, iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay Norway ku hoggaamineysay.
Qeybtii labaad, Amad Diallo ayaa daqiiqaddii 74-aad u dhaliyay goolka barbaraha Ivory Coast, taasoo ciyaarta ka dhigtay mid si weyn loogu loollamayo u gudbidda wareegga xiga.
Si kastaba ha ahaatee, Erling Haaland ayaa daqiiqaddii 86-aad dhaliyay goolka guusha ee Norway, isagoo xaqiijiyay guul muhiim ah iyo u gudbidda xulkiisa ee Wareegga 16-ka.
Guushan kadib, Norway waxay Wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026 kula ciyaari doontaa Brazil, oo iyaduna u soo baxday wareeggan kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay Japan.
Be the first to comment