Bournemouth Oo Ka Jawaabtay Dalab Ay Arsenal Ka Gudbisay Alex Scott

Bournemouth ayaa Arsenal ku wargelisay inay meel kale ka raadsato xiddig kale maadama uuna Alex Scott iib ahayn suuqa xagaaga.

Kooxda Bournemouth ayaa Arsenal u sheegtay inay joojiso dadaalka ay ugu jirto saxiixa khadka dhexe ee Alex Scott, kaddib markii ay kooxda London gudbisay dalabkii ugu horreeyay ee ku saabsan ciyaaryahanka oo lagu qiimeeyo ku dhowaad £60 milyan.

Ciyaaryahanka 22 jirka ah ayaa si weyn u soo jiitay indhaha tababare Mikel Arteta, kaas oo doonaya inuu xoojiyo khadka dhexe ee Arsenal ka hor xilli ciyaareedka cusub.

Si kastaba ha ahaatee, Bournemouth ayaa si cad ugu sheegtay Arsenal inaysan qorsheynayn inay iibiso Scott xagaagan, iyadoo diidday dalabkii hordhaca ahaa ee kooxda.

Alex Scott waxa heshiiskiisa Bournemouth uga harsan laba sano, waxaana maamulka kooxda ay doonayaan inay heshiiskiisa sii kordhiyaan si uu mustaqbalkiisa ugu sii nagaado garoonka Vitality Stadium.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga