RASMI: 16 Xul Ee Sida Rasmiga Ah Uga Hadhay Koobka Adduunka 2026.

16 xul ayaa laga reebay Koobka Adduunka 2026 ka hor bilaabashada Wareegga 32-ka.

Tani waxay timid kadib markii la soo gabagabeeyay dhammaan kulamadii ugu dambeeyay ee heerka guruubyada ee la ciyaaray maanta.

Waxaa xusid mudan in Algeria ay barbaro 3-3 ah la gashay Austria, halka Argentina ay 3-1 ku garaacday Jordan.

Xulal ay ka mid yihiin Panama, Tunisia, Turkey iyo Haiti ayaa ka haray tartanka, kadib markii ay uruuriyeen dhibcaha ugu hooseeya ee guruubyadooda.

Kulamada Wareegga 32-ka ayaa bilaaban doona maanta oo Axad ah.

Xulalka laga reebay Koobka Adduunka 2026 ka hor Wareegga 32-ka waa:

  • Haiti
  • Turkey
  • Tunisia
  • Jordan
  • Panama
  • Qatar
  • Czech Republic
  • Curacao
  • Iraq
  • Uruguay
  • Saudi Arabia
  • New Zealand
  • Scotland
  • Iran
  • Uzbekistan
  • South Korea

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga