XOG CULUS:- Wiilkii Barcelona oo ku dhow PSG & ”Madoonayo Barcelona inaan sii joogo ayuu yiri”

Paris Saint-Germain ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay Ferran Torres, waxaana ciyaaryahanka uu Barcelona si rasmi ah ugu sheegay inuu doonayo inuu ku biiro mashruuca cusub ee PSG.

Ferran ayaa u muuqda mid diyaar u ah inuu ka tago Barcelona, iyadoo Paris Saint-Germain ay hadda si dhab ah u dooneyso saxiixiisa.

Barcelona ayaa sidoo kale aan ku qasbeyn Ferran Torres inuu kooxda sii joogo, sidaas darteed waddada uu ciyaaryahanku ugu dhaqaaqayo PSG ayaa hadda furan.

Tallaabada xigta waxay noqon doontaa wada-xaajoodyada Barcelona iyo PSG ee ku saabsan qiimaha lagu iibsanayo ciyaaryahanka.

Wararka ku saabsan rabitaanka Ferran inuu PSG ku biiro waxaa sidoo kale soo wariyay warbaahinta Spain, oo ay ka mid yihiin MARCA iyo Jijantes.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga