Manor Solomon ayaa ku sii jeeda West Ham United, kadib markii labada kooxood ay heshiis rasmi ah ka gaareen saxiixa ciyaaryahanka.
West Ham ayaa Tottenham ku siinaysa £5 milyan oo lacag go’an ah, iyadoo heshiiska lagu dari karo £2 milyan oo kale oo ah lacagaha ku xiran waxqabadka, taasoo wadarta heshiiska gaarsiin karta ilaa £7 milyan.
Solomon ayaa la filayaa inuu berri maro baaritaanka caafimaadka, kadibna uu qalinka ku duugo heshiiskiisa cusub.
Ciyaaryahanka ayaa West Ham la saxiixan doona heshiis 3 sano ah, waxaana heshiiska ku jiri doona sidoo kale ikhtiyaar lagu kordhin karo ilaa Juun 2030.
Dhammaan qodobada heshiiska ayaa waxaa ansixiyay Tottenham, waxaana hadda la sugayaa oo keliya in la dhammaystiro tallaabooyinka ugu dambeeya.
Be the first to comment