WAR CUSUB: Hanjabaado & Weeraro qaraxyo oo Messi iyo Ronaldo lala bartilmaameedsaday

Warbixin boolis oo sir ah oo la faafiyay ayaa shaaca ka qaaday cabsi amni oo aad u daran oo la xiriirtay Koobkii Adduunka 2026, iyadoo xulka Argentina iyo xiddigo caan ah sida Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ay ka mid noqdeen dadka loo hanjabay.

Sida lagu sheegay galka booliska, ka hor kulankii Argentina iyo Jordan, nin ayaa la sheegay inuu wacay garoonka diyaaradaha Dallas, isagoo sheegay in isaga iyo laba qof oo kale ay garoonka kusoo weerari doonaan walxaha qarxa iyo hub, isagoo si gaar ah u sheegay inuu doonayo inuu dilo Messi.

Sidoo kale, kulankii Argentina iyo Egypt ayaa noqday bartilmaameed kale, Qof looga shakiyay inuu hanjabaad sameeyay ayaa baraha bulshada ku qoray inuu garoonka Atlanta geli doono isagoo wata walxo qarxa, isla markaana uu doonayo inuu Messi weeraro, Intii ciyaartu socotay, nin kale ayaa booliska wacay isagoo sheegay inuu saddex walxood oo qarxa ku dhex qariyay qashinka ku yaalla qeybaha taageerayaasha.

Hanjabaadahaas ayaa sababay in ciidamada ammaanka iyo kooxaha khubarada qaraxyada ay baaritaanno ballaaran ka sameeyaan garoonka, iyadoo eeyo tababaran loo adeegsaday raadinta walxaha qarxa.

Dhanka kale, Cristiano Ronaldo isaguna wuxuu noqday qof ay la xiriirtay cabsi amni, Shaqaale FIFA ah ayaa digniin bixiyay kadib markii nin looga shakiyay inuu isku dayayay inuu helo macluumaad ku saabsan hotelka Ronaldo.

Nin kale oo taageere xad-dhaaf ah ayaa xitaa gudaha u galay hotelka uu Ronaldo deganaa, isagoo isku dayay inuu wiishka kula raaco ciyaaryahanka, Markii boolisku gacanta ku dhigeen ninka, wuxuu sheegay inuu kaliya doonayay inuu Ronaldo selfie la galo.

Garsoorayaasha ayaa sidoo kale la kulmay hanjabaado culus. Garsoore François Letexier ayaa helay in ka badan 6,000 farriimood oo hanjabaad ah WhatsApp-kiisa, kadib go’aanno muran dhaliyay oo uu ka qaatay kulankii Argentina iyo Egypt.

Garsooraha VAR-ka Willy Delajod ayaa sidoo kale helay farriimo badan oo caro ah, kuwaas oo qaarkood ay ku jireen hanjabaado dil ah oo kasoo baxay taageerayaal careysan.

Dhacdadii kale ee naxdinta lahayd waxay ku dhacday Kylian Mbappé, iyadoo taageerayaal Paraguay ah ay gubeen muuqaal ama qof u ekaa Mbappé, kadib markii Paraguay laga reebay tartanka oo ay guuldarro kala kulantay France.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga