Arsenal ayaa la sheegay inay dalab u dirtay daafaca da’da yar ee Paris Saint-Germain, Emmanuel Mbemba, si ay ugu soo qaadato si xor ah.
Mbemba oo 18 jir ah kana ciyaara daafaca dhexe iyo daafaca bidix, ayaa xilli ciyaareed wanaagsan la qaatay kooxda da’yarta PSG ee U-19. Wuxuu xitaa kabtan u ahaa kooxdii ku guuleysatay finalka Coupe Gambardella Final bishii May, markii ay ka adkaadeen Montpellier.
PSG ayaa u soo bandhigtay heshiiskiisii ugu horreeyay ee xirfadeed, balse waxaa la filayaa inuu ka tago kooxda marka uu dhammaado qandaraaskiisa da’yarta xagaagan.
Kooxda Paris FC ayaa sidoo kale diyaar u ah inay heshiis u bandhigto daafaca da’da yar ee Emmanuel Mbemba, si uu ugu sii nagaado magaalada Paris.
Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa iyaduna si rasmi ah dalab u gudbisay. Sida uu sheegay wargeyska Le Parisien, Arsenal ayaa ciyaaryahanka iyo qoyskiisa u soo bandhigtay qorshaheeda mustaqbalka, kadib markii ay dhowr jeer daawatay intii lagu jiray xilli ciyaareedkan.
Hase yeeshee, u wareegista Waqooyiga London waxay la imaan kartaa caqabad weyn. Mbemba ayaan la filayn inuu si degdeg ah u helo rukhsadda shaqada UK maadaama uu weli yahay ciyaaryahan da’yar oo aan haysan dhibcaha looga baahan yahay nidaamka cusub ee Ingiriiska.
Haddii Arsenal ay go’aansato inay saxiixdo, waxaa laga yaabaa inay marka hore amaah ugu dirto horyaal kale oo Yurub ah si uu u helo waayo-aragnimo iyo dhibcaha lagama maarmaanka u ah helitaanka work permit-ka, ka hor inta uusan si rasmi ah ugu ciyaarin kooxda koowaad ee Arsenal.
Tartanka saxiixa Mbemba ayaa sii kululaanaya, iyadoo Paris Saint-Germain, Paris, FC Bayern Munich, Bayer 04 Leverkusen iyo Barcelona dhammaantood lala xiriirinayo mustaqbalkiisa.
Be the first to comment