Weeraryahankii hore ee Manchester United, Giuseppe Rossi, ayaa ku boorriyey kooxdiisii hore inay la soo saxiixato kabtanka Poland, Robert Lewandowski.
Rossi wuxuu aaminsan yahay in Lewandowski oo 37 jir ah uu wax weyn ku soo kordhin karo Manchester United, gaar ahaan horumarka ciyaartoyda da’da yar.
Waxa uu sheegay in Manchester United ay xagaagan bartilmaameedsato Lewandowski si uu faa’iido ugu noqdo weeraryahanka da’da yar ee Benjamin Šeško.
Qandaraaska Lewandowski uu kula jiro FC Barcelona ayaa la sheegay inuu dhacayo dhammaadka bishan, taasoo keeni karta inuu ka tago kooxda ku guuleysatay horyaalka La Liga.
Isagoo ka hadlayay suurtagalnimada uu ugu biiri karo Manchester United, Rossi wuxuu yiri:
“Robert Lewandowski oo ku biiraya Man United? Haa, maxaa diidaya?
“Dabcan, Lewandowski wuxuu noqon lahaa hanti weyn oo ay ka faa’iideystaan ciyaartoyda da’da yar, isagoo siinaya khibraddiisa iyo aqoonta uu u leeyahay ciyaaraha waaweyn.”
Be the first to comment