Kabtanka France, Kylian Mbappé, ayaa qirtay inuusan waligiis dib u daawan finalkii Koobka Adduunka 2022, kaas oo France looga adkaaday Argentina rigoorayaal.
Mbappé ayaa ciyaartaas dhaliyay saddex gool (hat-trick), balse taasi kuma filnaan France, waxaana ay la kulmeen guuldarro aad u xanuun badan.
Weeraryahanka Real Madrid ayaa sheegay in dib u daawashada ciyaartaasi ay “soo kicin karto xusuuso iyo murugo hore.”
Wareysi uu siiyay Sorare ayuu ku yiri:
“Finalkii ugu weynaa ee abid la ciyaaro? Waxaan u maleynayaa inaanay jirin ciyaar kale oo la barbar dhigi karo marka la eego madadaalada, loollanka iyo sida ay ciyaartu marba dhinac ugu rogmaysay“
“Waxay ku dhammaatay rigoorayaal, taas oo ah habka ugu xanuunka badan ee lagu guuldarraysto“
“Waxay ahayd mid u dhexeysay in Lionel Messi uu ku guuleysto Koobkiisii Adduunka ee ugu horreeyay ama in France ay koobka difaacato oo laba jeer oo xiriir ah ku guuleysato. Sidaas darteed waxay ahayd ciyaar taariikhi ah si kasta oo ay ku dhammaato“
“Ma dib ayaan u daawaday ciyaarta tan iyo markaas? Maya, waligay ma daawan. Waxaan u maleynayaa haddii aan daawado inay soo kicin karto xusuuso iyo murugo hore.”
Be the first to comment