Rafael Leão Oo Farta Ku Fiiqay Laba Horyaal Oo Uu Ku Biiri Karo Suuqa Xagaaga.

Garabka kooxda AC Milan, Rafael Leão, ayaa albaabka u furay suurtagalnimada inuu u wareego Premier League ama La Liga kadib markii uu qirtay inuu doonayo “caqabad cusub”.

Waxaa la fahamsan yahay in AC Milan ay diyaar u tahay inay tixgeliso dalabyada loo soo gudbiyo xiddiga reer Portugal inta lagu jiro xagaagan.

Isagoo la hadlayay SportTV, Leão ayaa yiri:“Waxaan doonayaa caqabad cusub oo ka baxsan Serie A. Waxaan si weyn ula socdaa Premier League“

“Haddii aan helo fursad aan kaga ciyaaro halkaas ama La Liga, aad ayaan ugu farxi lahaa, sababtoo ah tayadayda ayaa si ka sii wanaagsan uga dhex muuqan lahayd.”

Wuxuu intaas ku daray:“Aan aragno waxa dhici doona xagaagan.”

Leão ayaa dhaliyay 80 gool 291 kulan oo uu u saftay AC Milan tan iyo markii uu kaga soo biiray Lille OSC sanadkii 2019.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga