Tababarihii hore ee Liverpool, Jurgen Klopp, ayaa ku adkaystay inuusan danaynayn inuu noqdo tababaraha xiga ee kooxda Real Madrid.
Arrintan ayaa timid kadib markii Enrique Riquelme, oo la tartamaya Florentino Perez doorashada madaxweynenimada Madrid ee Axaddan, uu sheegay inuu Klopp u magacaabi doono tababare haddii uu ka adkaado Perez.
Si kastaba ha ahaatee, wakiilka Klopp, Marc Kosicke, ayaa caddeeyay in macmiilkiisu aanu doonayn inuu mar kale tababare koox noqdo, isla markaana uu ku faraxsan yahay shaqadiisa kooxda Red Bull.
Kosicke ayaa u sheegay Sky Germany:“Arrintani waa mid dhib badan“
“Ma qorshaynayo inuu ku laabto tababarka koox kubbadeed, wuxuuna ku faraxsan yahay shaqadiisa Red Bull.”
Klopp ma uusan tababarin koox tan iyo markii uu ka tagay Liverpool FC xagaagii 2024.
Be the first to comment