Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis afka ah la gaadhay daafaca Ibrahima Konaté sida uu sheegayo Romano.
Ibrahima Konaté Ayaa todobaadkan xaqiijiyay in uu si xor ah uga tagayo kooxda Liverpool kadib markii uu heshiis cusub la gaadhi waayay kooxda.
Haatan Romano ayaa xaqiijiyay in uu Ibrahima Konaté heshiis afka ah la gaadhay Real Madrid si uu ugu biro kooxda xagaagan.
Isla saxafiga ayaa sheegay in Ibrahima Konaté uu ogolaaday heshiis 4 sano ah oo uu ugu biirayo Real Madrid.
Laakiin heshiiska ayaa ku xidhan in uu Madaxweyne Florentino Perez mar kale ku guulaysto madaxtinimada kooxda.
Be the first to comment