DEG-DEG: Liverpool Oo Heshiis Hordhac ah La Gaadhay Badalka Arne Slot.

Liverpool waxay heshiis hordhac ah ka gaadhay inay Andoni Iraola u magacowdo tababaraha cusub ee kooxda sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.

Romano ayaa xaqiijiyay in heshiisku yahay mid qarka loo saaran yahay in la dhamaystiro kaliya dhimantahay in ay kooxdu ku dhawaaqdo.

Liverpool ayaa wadahadalo la furtay Andoni Iraola saacadihii ugu dambeeyay ee la soo dhaafay si ay u dhamaystirto heshiiskiisa.

Romano ayaa sheegay in 48 saac ee soo socda ay muhiim u yihiin heshiiska iyada oo la dhamaystiri karo ka hor dhamaadka todobaadkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga