Go’aanka Chelsea Iyo Arsenal Ee Saxiixa Marcus Rashford Oo La Ogaaday

Kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa la sheegay inay ka fiirsanayaan saxiixa weeraryahanka Marcus Rashford, iyadoo mustaqbalkiisa kooxda Barcelona uu weli mugdi ku jiro.

Rashford ayaa doonaya inuu heshiis rasmi ah la galo Barcelona kadib xilli ciyaareed amaah ah oo aad ugu fiicnaa oo uu ku qaatay garoonka Camp Nou.

Tababarihii hore ee Manchester United, Ruben Amorim, ayaa xilli ciyaareedkii hore oggolaaday inuu Rashford amaah ugu biiro Aston Villa, wuxuuna mar kale sheegay inuu xor u yahay inuu kooxda ka tago xagaagan.

Rashford wuxuu door weyn ka qaatay guulihii Barcelona, isagoo ka caawiyay inay ku guuleysato horyaalka La Liga isla markaana gaarto heerarka dambe ee Champions League. Wuxuu dhaliyay 14 gool wuxuuna sameeyay 10 caawin.

Mas’uuliyiinta Barcelona ayaa si joogto ah u ammaanayay Rashford, waxayna muujiyeen inay xiiseynayaan inay si rasmi ah ugu iibsadaan lacag ku dhow £26 milyan.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahaas ayaa halis galay kadib markii Barcelona ay £70 milyan kaga soo iibsatay Anthony Gordon kooxda Newcastle United.

Inkasta oo Barcelona weli la rumeysan yahay inay wadahadal diyaar u tahay, haddana imaanshaha Gordon ayaa hoos u dhigay fursadda Rashford si rasmi ah ugu sii joogi lahaa kooxda.

Ku noqoshada Manchester United ayaa sidoo kale u muuqata mid aan macquul ahayn, inkastoo Amorim uu ka tagay kooxda, halka Michael Carrick dib loogu magacaabay tababaraha kooxda.

Haddii uu fashilmo riyadiisa ah inuu sii joogo Barcelona, Rashford wuxuu heli doonaa fursado badan oo kale, maadaama kooxo badan oo gudaha iyo dibaddaba ahi ay xiiseynayaan ciyaaryahanka 28 jirka ah.

Sida ay qortay Daily Mail, wakiillada Rashford waxay aaminsan yihiin in Arsenal iyo Chelsea ay diyaar u noqon karaan inay la soo wareegaan haddii shuruudaha heshiisku ku habboonaadaan.

Arsenal, oo ah horyaalka cusub ee Premier League, ayaa la filayaa inay mar kale taageerto tababaheeda Mikel Arteta suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo ugu yaraan hal weeraryahan cusub la filayo inuu ku biiro kooxda.

Dhanka kale, Chelsea ayaa sidoo kale isu diyaarinaysa suuq kala iibsi oo weyn si ay u taageerto tababaheeda cusub Xabi Alonso kadib xilli ciyaareed aan lagu qancin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga