Kooxda Barcelona ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Newcastle ee Anthony Gordon sida uu sheegayo wargayska The Athletic.
Wargayska ayaa sheegaya in kooxda Barcelona miiska saartay dalab lacageed oo dhan 80 milyan oo euro Iyo waliba lacago gunooyin ah.
Wali ma jiro wax heshiis ah oo ay gaadheen labada kooxood laakiin wadahadalada ayaa si fiican u socda.
Barcelona ayaa doonaysa in ay si deg-deg ah u dhamaystirto heshiiska xiddiga reer England.
Kooxda ku guulaystay horyaalka La Liga ayaa doonaysa in ay ka fogaato tartan uga yimaada kooxaha Premier League Iyo Bayern Munich oo doonaya saxiixa xiddiga.
Be the first to comment