DEG-DEG: Barcelona Oo Ku Dhaw Saxiixa Xiddig Premier League Ka Ciyaara.

Kooxda Barcelona ayaa lagu Soo waramayaa in ay Heshiis buuxa la Gaadhay Xiddiga Kooxda Newcastle Ee Anthony Gordon sida Uu Sheegayo Fabrizio Romano.

Barcelona ayaa Suuqa Ugu Jirta weeraryahan iyada Oo Xagaagan luminaysa xiddigaha Lewandowski iyo waliba Rashford.

Romano ayaa Sheegay in ay Barcelona Heshiis buuxa Oo shaqsi ah la Gaadhay Xiddiga reer England.

Isla saxafiga ayaa Sheegay in ay Barcelona Wadahadalo toos ah kula jirto Kooxda Newcastle si ay ula gaadho heshiis Xiddiga ay.

Kooxda Barcelona ayaa Doonaysa in ay si deg-deg ah u dhamaaystirto Heshiiska si ay Ugu garaacdo kooxaha Premier League iyo Bayern Munich.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga