Xiddigii hore ee khadka dhexe ee France, Emmanuel Petit, ayaa sheegay in “mucjiso kaliya” ay keeni karto in Chelsea ay ka adkaato Manchester City final-ka FA Cup-ka toddobaadkan.
Petit oo la hadlay Boyle Sports ayaa sheegay in Chelsea ay khasaariso fursado badan oo goolal ah sababtoo ah weerarkooda oo aan lahayn dhammeystir wanaagsan.
Dhanka kale, wuxuu aaminsan yahay in Man City ay tahay koox si arxan darro ah goolal u dhalisa.
Wuxuu yiri:“Waxaan oran lahaa hal kulan oo final ah wax walba way ka dhici karaan. City waxay dhawaan ku badisay Chelsea, waxaana garoonka ka muuqatay hal koox oo keliya. Su’aasha saxda ah hadda waa: yaa aan ka badin karin Chelsea?
“Waxay u muuqataa in koox kasta ay garaaci karto Chelsea. Marka ma arko sababta ay City uga adkaan weydo, iyadoo la eegayo sida ay u ciyaaraan, sida ay ciyaarta u maamulaan, ciyaartoydooda, jawiga iyo deegaanka kooxda — wax walba way ka duwan yihiin Chelsea”
“Sidaas darteed ma arko sababta ciyaartoyda Chelsea ay final-kan uga falcelin doonaan si ka duwan sidii ay bilooyin badan sameyn waayeen. Marar badan ayaan ka niyad jabay iyaga sababtoo ah waxaan filayay falcelin sharaf leh oo wadajir ah”
“Iska ilooba waxaad dareemaysaan ama aad ka fikiraysaan. Sameeya shaqada la idinka siiyay mushaharka. Laakiin way ku fashilmeen, dhammaantood toddobaadyadii lasoo dhaafay. Sidaas darteed Chelsea waxay u baahan tahay mucjiso. Aniga waxaan kuu sheegayaa taas ma dhici doonto, sababtoo ah City waa koox ka fiican dhinac kasta.”
Be the first to comment