Ugu yaraan 19 kooxood ayaa durba xaqiijistay inay u soo baxeen wareegga league phase-ka ee tartanka UEFA Champions League, iyadoo lagu saleynayo boosaska ay kaga jiraan horyaalladooda xilligan.
Tusaale ahaan gudaha England, Arsenal, Manchester City iyo Manchester United ayaa horey u xaqiijistay booskooda.
Saddexdan kooxood waxay ku jiraan saddexda boos ee ugu sarreeya, iyadoo Premier League ugu yaraan haysato shan boos. Waxaana laga yaabaa inay noqdaan lix boos haddii Aston Villa ku guuleysato final-ka Europa League.
Shan kooxood oo ka tirsan La Liga ayaa sidoo kale u soo baxay. Kuwaas waa:
Barcelona
Real Madrid
Atletico Madrid
Real Betis
Villarreal
Gudaha Germany, kooxaha:
Bayern Munich
Borussia Dortmund
RB Leipzig
ayaa iyaguna xaqiijistay booskooda.
Kooxo kale oo soo baxay waxaa ka mid ah:
Paris Saint-Germain
Lens
Feyenoord
PSV Eindhoven
FC Porto
Galatasaray
Inter Milan
Shakhtar Donetsk.
Be the first to comment