Muxuu Ancelotti Ka Tidhi Ku Soo Laabashada Jose Mourinho Ee Real Madrid.

Tababaraha xulka qaranka Brazil, Carlo Ancelotti, ayaa taageeray Jose Mourinho inuu shaqo wanaagsan qaban karo haddii uu dib ugu laabto Real Madrid isagoo noqda tababaraha kooxda.

Ancelotti ayaa wareysi uu siiyay The Athletic ku sheegay in Mourinho oo 63 jir ah uu yahay ninka saxda ah ee dib u soo celin kara nidaamka iyo kala dambeynta garoonka Bernabeu.

Mourinho ayaa si weyn loo filayaa inuu ka tago Benfica xagaagan isla markaana uu dib ugu biiro Los Blancos.

Ancelotti, oo si caan ah ugu guuleystay koobkii Champions League ee “La Decima” ee Real Madrid kadib markii uu Mourinho beddelay sanqdkii 2013, ayaa yiri:

“Haddii uu dib ugu laabto Real Madrid, aad ayaan ugu farxi doonaa isaga.

“Wuxuu qaban karaa shaqo fantastik ah, sida uu had iyo jeer uga sameeyay dhammaan kooxihii uu tababare u ahaa.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga