Rio Ferdinand oo hore uga tirsanaa Manchester United ayaa aaminsan in Arsenal ay ka adkaan doonto Paris Saint-Germain final-ka Champions League bishan.
Ferdinand wuxuu filayaa in Gunners ay ka faa’iideysan doonto awooddeeda kubbadaha taagan (set-pieces) si ay uga awood badnaato kooxda ku guuleysatay Ligue 1.
Arsenal ayaa ka soo adkaatay Atlético Madrid wareegga semi-finalka, waxaana hadda ay wajihi doonaan PSG oo doonaysa inay difaacato koobka.
Ka hor kulanka final-ka ee ka dhacaya Puskás Aréna magaalada Budapest, kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta waxay rajeynaysaa inay horey u xaqiijisato horyaalka Premier League.
Ferdinand ayaa yiri isagoo ka hadlayay kanaalkiisa YouTube-ka:“Hadda waxaan u maleynayaa in Arsenal ay ku guuleysan doonto Champions League”
“PSG waa kooxda ka fiican, boqolkiiba boqol. Laakiin waxay u muuqdaan kuwo dhib ku qaba kubbadaha taagan”
“Bayern Munich oo aan si weyn ugu fiicneyn set-pieces-ka ayaa haddana ka dhigay PSG kuwo aan raaxo lahayn, waxaana arrintaas arkay marar badan xilli ciyaareedkan.”
Be the first to comment