Pep Guardiola ayaa ka codsaday West Ham United inay caawiyaan tartanka hanashada horyaalka Premier League-ka.
Kadib guushii 3-0 ahayd ee ay gurigooda kaga badiyeen Brentford F.C. Sabtidii, Guardiola ayaa shirkiisii jaraa’id ee ciyaarta kadib ku soo gabagabeeyay isagoo qaylinaya: “Kaalaya Irons!”
Natiijadaas ayaa sababtay in Manchester City ay farqiga dhibcaha ee hoggaanka kusoo yareeyaan labo dhibcood, kadib goolal ay kala dhaliyeen Jérémy Doku, Erling Haaland iyo Omar Marmoush garoonka Etihad Stadium Sabtidii.
Iyadoo hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Arsenal F.C. ay Axadda booqanayaan West Ham, Guardiola wuxuu u baahan yahay in kooxdaas ay dhibco ka qaaddo Arsenal.
Sida ay sheegtay ESPN, markii tababaraha City uu ka baxayay hoolka warbaahinta Sabtidii, wuxuu gacmihiisa iskaga gudbiyay qaab ay taageerayaasha West Ham isticmaalaan, isagoo yiri: “Kaalaya Irons.”
Markii hore markii la weydiiyay xaaladda tartanka horyaalka, Guardiola wuxuu yiri:
“Waxaan kula tartamaynaa koox ku jirta final-ka Champions League-ka, iyadoo aan wax kulan ah laga badin, islamarkaana xilli ciyaareedka intiisa badan hoggaanka horyaalka haysay.”
Be the first to comment