Ronaldinho Oo Fariin U Diray Barcelona Ka Hor Kulanka El-Clasico

Ronaldinho ayaa fariin dhiirrigelin ah u diray kooxdiisii hore ee FC Barcelona kahor kulanka El Clasico ee ay la ciyaarayaan Real Madrid.

Barcelona ayaa martigelin doonta Real Madrid Axadda kulan weyn oo ka dhacaya Camp Nou, kaasoo ka tirsan horyaalka LaLiga.

Kooxda reer Catalonia ayaa hoggaanka horyaalka ku haysa 88 dhibcood kadib 34 kulan, halka Real Madrid ay ku jirto kaalinta labaad iyadoo leh 77 dhibcood isla tirada kulamadaas.

Ronaldinho ayaa bartiisa X ku wadaagay sawir hore oo isaga ka ciyaaraya El Clasico, isagoo ku qoray:

“Toddobaad weyn iyo El Clásico!!! Aan tagno Barça.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga