Man City Oo Garaacday Brentford Cadaadiskana Saartay Arsenal.

Manchester City ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda martida u ahayd ee Brentford kadib markii ay ku garaacday 3-0 kulan ka tirsanaa wareegga 36-aad ee Horyaalka Premier League Ingiriiska, kaasoo ka dhacay garoonka Etihad Stadium.

Manchester City ayaa sugaysay ilaa daqiiqaddii 60-aad si ay goolka furitaanka u dhaliso, kadib markii Jeremy Doku uu kubadda ka qaatay qalad difaac oo Brentford sameysay, kadibna uu laaday darbo cajiib ah oo shabaqa gashay, taasoo kooxda martida loo ahaa hoggaanka siisay.

City ayaa sii waday cadaadiska si ay u hesho gool lagu nasto, waxaana Erling Haaland uu dhaliyay goolka labaad daqiiqaddii 75-aad, kadib markii uu ka faa’iideystay kubad uu kasoo dhex qaaday Semenyo iyadoo jahwareer difaac uu jiray, wuxuuna si xirfad leh kubadda ugu taabtay ciribta dambe isagoo shabaqa dhex dhigay.

Daqiiqaddii 90+2-aad, Manchester City ayaa dhalisay goolka saddexaad waxaana u saxiixay Omar Marmoush, kadib markii uu ka faa’iideystay baas uu siiyay Haaland, wuxuuna kubadda ka dhex toogtay xerada ganaaxa isagoo shabaqa dhex dhigay.

Guushan ayaa Manchester City ka dhigtay inay gaarto 74 dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta labaad, labo dhibcood oo keliya ayay ka dambeysaa Arsenal, halka Brentford ay ku hartay 51 dhibcood kaalinta siddeedaad.

Arsenal ayaa la filayaa inay Axadda la ciyaarto West Ham United kulan ka tirsan isla wareeggan, halka Manchester City ay weli haysato kulan dib u dhac ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga