Henry U Digay Arsenal Ka Hor Kulanka Man City.

Halyeeygii hore ee Arsenal, Thierry Henry, ayaa dalbaday in kooxda ay la timaado qaab ciyaareed ka fiican marka ay la ciyaarayaan Manchester City kulanka adag ee horyaalka Premier League ee Axadda.

Henry ayaa ka hadlay CBS Sports kadib barbarihii 0-0 ee Gunners ay la galeen Sporting CP garoonka Emirates.

Natiijadaas ayaa ku filnayd kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta inay u gudbaan semi-finalka UEFA Champions League xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah.

Arsenal ayaa kulanka City galeysa iyadoo lix dhibcood ka sareysa, inkastoo kooxda uu tababaro Pep Guardiola ay hal kulan gacanta ku hayso.

Markii la weydiiyay qaabka ay u ciyaari lahaayeen, Henry wuxuu yiri:“Ma aha sida caawa! Ama sida kulankii Bournemouth, Brighton meel ka baxsan, Mansfield ama wax kasta oo aan arkay xilli ciyaareedkan”

“Tani waa fursadda ugu weyn ee noloshiinna si aad isu tustaan, koox ahaan, inaan awoodno, markaas dadka hadal dambe ma yeelan doonaan.”

“Waxaan rabaa inaan arko dabkaas (firfircoonidaas) Etihad!”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga