Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartoyda kooxda ay u codeeyeen Declan Rice inuu xirto calaamadda kabtanka kulamadii ugu dambeeyay.
Arteta ayaa hadalkan sheegay kadib markii Gunners ay xaqiijiyeen inay gaareen semi-finalka UEFA Champions League, kaddib barbaro goolal la’aan ah oo ay la galeen Sporting CP habeenkii Arbacada.
Iyadoo uu maqnaa Martin Odegaard, Rice ayaa hoggaamiyay kooxda kulankii ay 2-1 kaga adkaadeen Bournemouth ee Premier League usbuucii hore.
Khadka dhexe ee xulka England ayaa ka soo kabtay xanuun si uu kabtan uga noqdo kooxda kulankii Sporting, isagoo soo bandhigay ciyaar hoggaamineed oo xooggan sidii caadada u ahayd.
Arteta ayaa yiri kadib ciyaarta:
“Ciyaartoydu go’aan ayay gaareen, sababtoo ah waxaan u maleynayaa in Declan uu kasbaday doorka, sida uu mas’uuliyadda u qaadayo xilliyada adag.”
Rice ayaa laga yaabaa inuu sii ahaado kabtanka kulanka usbuucan marka Arsenal ay la ciyaareyso Manchester City garoonka Etihad.
Be the first to comment