Liverpool ayaa lumisay fursaddii ugu dambeysay ee ay ku hanan lahayd koob xilli ciyaareedkan, kadib markii looga adkaaday 2-0 oo ay ku garaacday Paris Saint-Germain lugtii labaad ee quarter-finalka UEFA Champions League.
Waxa kale oo Paris Saint-Germain ay mar kale muujisay inay ka awood badan tahay Liverpool, kadib markii ay 2-0 ku badisay lugtii hore ee lagu ciyaaray garoonka Parc des Princes.
Warar badan ayaa shaki geliyay mustaqbalka Arne Slot kadib guuldarradii Liverpool iyo ka bixitaankooda tartanka UEFA Champions League, iyadoo maamulka kooxda ay horay u dejisay bartilmaameedyo uu ku xiran yahay sii joogitaankiisa xilli ciyaareedka soo socda.
Waxa ay Liverpool FC ku jiraa kaalinta shanaad ee kala sarreynta Premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo leh 52 dhibcood 32 kulan gudahood, wuxuuna 18 dhibcood ka dambeeyaa hoggaamiyaha Arsenal FC.
Be the first to comment