Atletico Madrid ayaa ku guuleysatay inay u soo baxdo wareega afar dhammaadka ee UEFA Champions League inkastoo ay 2-1 kaga adkaatay Barcelona lugtii labaad ee wareega siddeed dhammaadka.
Barcelona ayaa goolka furitaanka dhalisay daqiiqaddii 4-aad, waxaana u dhaliyay xidigga da’da yar Lamine Yamal kadib baas qurux badan oo ka yimid Ferran Torres.
Barcelona ayaa sii waday cadaadiska weerarka iyo isku dayada ay ku doonaysay inay goolal kale ku dhaliso Atletico Madrid, ilaa ay ku guuleysteen goolka labaad daqiiqaddii 24-aad, kaasoo uu dhaliyay Ferran Torres kadib baas sax ah oo ka yimid Dani Olmo.
Ciyaartoyda Atletico Madrid kama aysan quusan, waxayna ku guuleysteen inay dhaliyaan gool yaraynta farqiga daqiiqaddii 31-aad, waxaana u dhaliyay Ademola Lookman kadib caawin uu ka helay Marcos Llorente.
Ciyaarta ayaa sidoo kale lagu arkay in ciyaaryahanka Barcelona ee Eric Garcia loo taagay kaarka cas daqiiqaddii 79-aad.
Natiijadan, Atletico Madrid ayaa ku gudubtay semi-finals-ka Champions League iyadoo wadar ahaan ku badisay 3-2, waxayna sugaysaa kooxda soo baxda kulanka u dhexeeya Arsenal iyo Sporting Lisbon.
Be the first to comment