WARBIXIN: Maxa Dhacaya Hadii Arsenal Iyo Man City Isku Dhibco Noqdaan Premier League, Sidee Lagu Kala Saarayaa?.

Tartanka hanashada horyaalka Premier League ayaa si aad ah u kululaaday iyadoo la galay toddobaadyadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka 2025-26, waxaana si weyn ugu tartamaya labada kooxood ee waa weyn: Arsenal iyo Manchester City. Laakiin maxaa dhacaya haddii aan la kala bixin karin labadaas kooxood?

Waa xaalad aan horey uga dhicin horyaalka. Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ee Arsenal ayaa hadda haysa faa’iidada, iyadoo leh dhibco badan (70) iyo farqi goolal (+38). Waqtiga qoraalkan la joogo, Manchester City waxay ka dambaysaa lix dhibcood iyo saddex gool, inkasta oo ay weli haystaan hal kulan oo u harsan.

Arrintu waxay si weyn ugu xirnaan kartaa kulanka soo socda ee ka dhici doona garoonka Etihad Stadium. Inkastoo kooxda uu tababaro Pep Guardiola ay ku ciyaarayaan gurigooda, haddana waa inay guul gaaraan haddii Arsenal ay rabto inay dhammaan kulamadeeda kale guulaysato.

Man City Iyo Arsenal ayaa isku arakaya  Xaalad aan horay u dhici

Haddii ay dhacdo in labada kooxood ee Arsenal iyo Manchester City ay xilli ciyaareedka ku dhammeeyaan dhibco isku mid ah, waxaa jira hab taxane ah oo lagu kala saaro kooxda hananaysa horyaalka Premier League.

Marka hore, waxaa la eegayaa farqiga goolasha Haddii ay taasna isku noqoto, waxaa la eegi doonaa:

👉 Tirada goolasha la dhaliyay

Hadda, Manchester City ayaa hal gool ku hoggaamineysa (63) marka loo eego Arsenal (62).

Haddii wax walba isku noqdaan…

Haddii ay dhacdo in:

Dhibcaha isku noqdaan

Farqiga goolasha isku noqdo

Goolasha la dhaliyay isku noqdaan

Markaas waxaa la eegi doonaa kulamada tooska ah ee ay labada kooxood isku arkeen.

Kulankii hore ee Emirates Stadium wuxuu ku dhammaaday 1-1

Haddii kulanka Etihad sidoo kale ku dhammaado barbaro (1-1 ama xitaa natiijo kale)

👉 Markaas waxaa la eegayaa goolasha lagu dhaliyay meel ka baxsan garoonka (away goals) ee kulamadaas.

Xaaladda ugu dambeysa (mid aad u dhif ah)

Haddii xitaa taas lagu kala bixi waayo (oo aad u adag inay dhacdo):

⚽ Labada kooxood waxay ciyaari doonaan hal kulan oo kama dambeys ah (playoff) oo lagu qabanayo garoon dhexdhexaad ah.

📌 Tani waa xaalad aan waligeed hore uga dhicin taariikhda Premier League.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga