Halyeeyga Manchester United, Gary Neville, ayaa bixiyay sabab uu aaminsan yahay in Chelsea aysan u soo bixi doonin UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Chelsea ayaa dharbaaxo la kulantay tartankooda ah inay ku dhammeystaan shanta sare ee Premier League kadib markii 3-0 looga badiyay Manchester City dhammaadkii usbuuca.
Goolal ay kala dhaliyeen Nico O’Reilly, Marc Guehi iyo Jeremy Doku ayaa kooxda Pep Guardiola u suurtageliyay guusha ay ka gaareen Stamford Bridge.
Guuldarradan waxay ka dhigan tahay in Chelsea hadda ku jirto kaalinta 6aad iyadoo leh 48 dhibcood kadib 32 kulan. Kooxda uu hoggaamiyo Liam Rosenior waxay 4 dhibcood ka dambaysaa Liverpool oo ku jirta kaalinta 5aad.
Neville ayaa yiri (Sky Sports):
“Waxay ila tahay hadda in Chelsea ay seegi doonto Champions League. Waxaan u maleynayaa inay ku guuldareysan doonto sababtoo ah wixii dhacay toddobaadyadii u dambeeyay.”
Chelsea waxay kulanka xiga ee horyaalka la ciyaari doontaa Manchester United dhammaadka usbuuca.
Be the first to comment