Man City Oo Garaacday Chelsea Kuna Dhawaatay Arsenal

Manchester City ayaa guul muhiim ah ka gaadhay Chelsea kadib markii ay 3-0 ku garaaceen kulan ka dhacay Stamford Bridge, taas oo qayb ka ahayd wareegga 32-aad ee Premier League.

City ayaa goolka koowaad dhalisay daqiiqaddii 51-aad iyada oo uu u saxiixay Nico O’Reilly, ka hor inta uusan Marc Guehi ku darin goolka labaad daqiiqaddii 57-aad, taas oo sii xoojisay hoggaanka kooxda martida ahayd.

Daqiiqaddii 68-aad, Jeremy Doku ayaa dhaliyay goolka saddexaad, isagoo xaqiijiyay in Manchester City si buuxda u maamuleen ciyaarta isla markaana ay ku guuleysteen 3-0.

Guushan kadib, Manchester City waxay gaareen 64 dhibcood, iyagoo galay kaalinta labaad ee kala sarreynta Premier League, halka Chelsea ay ku hareen 48 dhibcood oo ay ku jiraan kaalinta lixaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga