Kooxda Liverpool ayaa la shaaciyay ciyaaryahanka ay doorbidayaan inuu beddelo Mohamed Salah, iyadoo toddobo xiddig oo heer sare ah lala xiriirinayo inay xagaaga u wareegaan Anfield.
Xiddiga reer Masar ee loo yaqaan “Boqorka Masar”, Salah oo 33 jir ah, ayaa la filayaa inuu soo afjaro waqtigiisa kooxda marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan, taasoo ku qasbeysa Liverpool inay raadiso ciyaaryahan beddela.
Buuxinta booska Salah ma sahlana. Wuxuu dhaliyay 255 gool iyo Halka Uu sameeyay 122 caawin sagaalkii sano ee uu joogay kooxda, taasoo keentay inay Liverpool indhaha ku hayso qaar ka mid ah xiddigaha ugu fiican Yurub si ay u helaan qof la jaanqaadi kara waxqabadkiisa cajiibka ah.
Inkasta oo xiddiga da’da yar ee 17 jirka ah Rio Ngumoha uu si fiican u ciyaaray xilli ciyaareedkan, haddana wali waa da’yar si uu si toos ah u buuxiyo booska Salah.
Warbixin kasoo baxday Daily Mail ayaa sheegtay in toddobo magac oo ka kala yimid qaaradda Yurub lala xiriirinayo inay u dhaqaaqaan Anfield.
Xiddiga kooxda RB Leipzig ee Yan Diomande ayaa la rumeysan yahay inuu yahay dookha koowaad ee Liverpool FC.
Isagoo laba sano oo keliya ka weyn Rio Ngumoha, ciyaaryahankan reer Ivory Coast ayaa noqday mid ay aad u xiiseeyaan kooxo waaweyn oo Yurub ah sida Chelsea FC, Arsenal FC iyo Bayern Munich.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegay inuu ku kici karo €100 milyan (£87.3 milyan) kadib markii uu ku lug yeeshay 19 gool xilli ciyaareedkan.
Sida lagu sheegay warbixinta Daily Mail, Liverpool si weyn ayay u daba socotay garabkan weerarka ah, balse wali ma cadda in kooxda ay diyaar u tahay inay bixiso qiimaha sare ee ay dalbaneyso kooxda ka ciyaarta Bundesliga.
Laakiin Liverpool FC sidoo kale waxay eegayaan xulashooyin ka tirsan Premier League, iyadoo Yankuba Minteh uu ku jiro liiska.
Ciyaaryahanka reer Gambia ayaa hal xilli ciyaareed ku qaatay tababare Arne Slot isagoo amaah uga ciyaaray Feyenoord kana yimid Newcastle United, halkaas oo uu dhaliyay 9 gool 36 kulan.
Labadooda ayaa laga yaabaa inay mar kale ku kulmaan xarunta tababarka Kirkby Training Centre.
Inkastoo waxqabadka gool dhalintiisa uu hoos u dhacay tan iyo markii uu yimid Premier League, Minteh waa ikhtiyaar aad uga jaban marka loo eego Yan Diomande.
Kooxda Brighton & Hove Albion ayaa ku soo iibsatay £33 milyan, waxayna hadda rajeynayaan inay ku iibiyaan ku dhowaad labanlaab qiimahaas.
Anthony Gordon wuxuu noqon karaa dookh muran Ka dhaliya taageerayaasha dhexdooda, maadaama uu hore uga tirsanaa Everton FC. Si kastaba, waxaa laga yaabaa inuu noqdo mid lagu heli karo qiimo jaban, iyadoo Newcastle United ay doonayso inay iibiso qaar ka mid ah ciyaartoydeeda si ay uga fogaato jebinta xeerarka PSR. Haddii uu bandhig fiican ka sameeyo FIFA World Cup, wuxuu sii noqon karaa bartilmaameed aad u soo jiidasho badan.
Dhanka kale, liiska waxaa sidoo kale ku jira ciyaaryahanka sameeya ciyaarta ee TSG Hoffenheim, Bazoumana Toure, kaas oo si weyn isha loogu hayo kadib markii uu sameeyay 11 caawin xilli ciyaareedkan Bundesliga.
Sidoo kale, Francisco Conceicao oo ka tirsan Juventus ayaa loo arkaa dookh kale, waxaana si dhow ula socday kormeerayaasha Liverpool FC.
Si loo dhamaystiro liiska xulashooyinka, waxaa sidoo kale ku jira Bradley Barcola oo ka tirsan Paris Saint-Germain iyo Rodrygo oo u ciyaara Real Madrid.
Rodrygo ayaa ku dhowaaday inuu ka tago caasimadda Spain xagaagii hore kadib markii si weyn looga indho tiray intii lagu jiray FIFA Club World Cup, balse ugu dambeyn wuu sii joogay kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, waxqabadkiisa La Liga xilli ciyaareedkan ayaa ahaa mid niyad-jab leh.
Be the first to comment