Shaxda Ay Chelsea Kaga Hor Tagi Karto Man City

Enzo Fernandez ma ciyaari doono kulanka Chelsea FC ay la ciyaarayso Manchester City ee Premier League  toddobaadkan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Argentina ayaa toddobaadkii hore lagu ganaaxay laba kulan oo ay kooxda lafteedu ku soo rogtay, kadib hadallo uu sheegay intii lagu jiray fasaxa kulamada caalamiga ah oo ku saabsanaa mustaqbalkiisa kooxda.

Fernandez ayaa sidaas darteed uga maqnaa guushii weynayd ee 7-0 ay Chelsea kaga adkaatay Port Vale wareegga siddeed dhammaadka FA Cup, sidoo kalena kama ciyaari doono kulanka Man City, inkastoo uu raalli-gelin siiyay Liam Rosenior iyo kooxda.

Dhanka kale, Marc Cucurella wax ganaax ah lama saarin inkastoo uu dhaliilay maamulka kooxda wareysi uu bixiyay intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah, waxaana la filayaa inuu dib ugu soo laabto safka, kadib markii uu kursiga keydka ku jiray kulankii Port Vale.

Maqnaanshaha Enzo Fernandez wuxuu imanayaa xilli Liam Rosenior uu horeyba ula tacaalayay dhaawacyo badan oo kooxda Chelsea FC ka jira.

Daafacyada Levi Colwill, Trevoh Chalobah iyo Reece James lama filayo inay soo laabtaan, inkastoo dhammaantood ay dib ugu soo laabteen tababarka garoonka.

Sidoo kale, Jamie Gittens weli wuu maqanyahay kadib markii uu mar kale dhaawac muruqa bowdada ah ka soo gaaray tababarka.

Dhanka kale, James—oo dhaawac kale oo muruqa bawdadaah uu soo gaaray maalmo yar kadib markii uu saxiixay qandaraas cusub—lama filayo inuu ciyaaro mar kale ilaa ugu yaraan dhammaadka bisha April.

Shaxda ay Chelsea Kaga Hor Tagi Karto Man City.

Sanchez; Gusto, Fofana, Tosin, Cucurella; Lavia, Caicedo; Neto, Palmer, Garnacho, Joao Pedro.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga